Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Baaq Nabadeed oo ku wajahan beelaha Reer Abbayoonis iyo Abra

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Baaq Nabadeed oo ku wajahan beelaha Reer Abbayoonis iyo Abra

Postby MALMAHA » Sat Jun 27, 2009 8:52 pm

Baaq Nabadeed oo ku wajahan beelaha Reer Abbayoonis iyo Abraahiim ee deegaanka Doollo

Kulan ay dhawaan ku yeesheen magaalada London ee waddanka Britayn taariikhdu markay ahayd 13 June 2009 ayaa odayaasha, culimaa'udiinka, waxgaradka iyo aqoonyahanka labada beelood ee reer Sh.Abbayoonis iyo Abraahim waxay kaga wada hadleen colaadda iyo dagaalada isdaba joogga ah ee muddooyinkan danbe ka taagan deegaanka Doollo ee ay labada beelood wada dagan yihiin.

Colaaddaas oo dhalisay dagaallo isdaba joog ah oo keenay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac ku yimid labada dhinacba, ayaa waxgaradkii labada beelood ee shirkan isugu yimid ku tilmaameen inay tahay arrin aad u fool xun oo aan marnaba la qaadan Karin, daadinta dhiiga dadka sokeeyaha ah ee sabab la'aanta udaadanaya.

Sidaas daraadeed, Waxaa ay xubnaha labada beelood ee halkaa isugu yimid isla garteen:


In meel looga soo wada jeedsado daminta colaaddaas, loona joojin lahaa dhiigga sokeeya ee ka dhex daadanaya dadkaa walaalaha ah
In laga wada shaqayo nabadda iyo sidii dib loogu soo celin lahaa walaalnimadii, kalsoonidii iyo nabad ku wada noolaanshihii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay labada beelood.
In la xoojiyo go’aamadii iyo waxqabadkii madaxdda deegaanka ee Soomaaliyeed ee arrinta labada beelood
In odayaasha, samajeclaha iyo waxgaradka labada beelood la garab istaago si ay u soo afjaraan shaqaaqadan naxdinta leh
In wadajir loo qabto gacmaha fidma wadayaasha labada reer si aanu dabku u sii hurin caqliguna u taliyo
Haddaba annagoo ku hadlayna magaca dhammaan dadka labada beelood ee ku dhaqan wadanka Britayn waxaan ugu baaqaynaa mas'uuliyiinta, waxgaradka, culimaa'udiinka, aqoonyahanka iyo dhammaan shacabka labada beelood meel walba oo ay joogaan in si degdeg ah oo waliba sharuud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dagaalada halkaa ka socda, meelna looga soo wada jeedsado sidii nabad waarta loogu wada noolaan lahaa.

Waxaa u Saxiixey Baaqan labada dhinac:

Xukun Sheekh Xasan wacdi
Shaafi Cabdi Xuseen Aabi
Sh. Cabdifataax Sh. Muxumed
Maxamed Mahdi Xaaji Faarax
Axmed Ibraahim Caabbi
Cabdiwahaab Sanweeyne
Cabdinaasir Sheekh Biixi
Cabdirahman Sh. Aadan
Cabdullahi Suldaan Maxamed
Maxamed Macalim Axmed (Dhagacade)

Allaa Mahad Leh



Copyright © 2009 WardheerNews.com











:up: :rose: :rose:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 69 guests