Postby Beer-Dilaacshe » Tue Jun 30, 2009 5:16 pm
Raadyow Ma Qaloocshe(Haatuf)
(for Somali articles no translation available, sorry!)
Jan 29 2002 Halkani waa Raadyow ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mowjadaha gaagaaban ee Kaftan baradka iyo Hirarka dhexe ee ilaaqyahanka, iyo Caalamka oo dhan ilaa Dhuuso-mareeb oo laga dhegaysan karo Indho-netka oo ciwaankayagu yahay habaryuu habaryuu dhuq ma qaloochse dhuq gam.
Imikana waxaad ku soo dhawaataan wararkii Caalamka oo uu maanta dabada idiin qaban doono Weriye Is-maqiiq.
Warkii oo Kudsan:
Naaggii ugu horeeyay Carro-edeg ee noqota Banbaane ayaa shalay aroortii ku qaraxday suuq ku yaalla tuulada Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu isku haystaan ee Baytal-Qudus, waxayna aakhiro u kaxaysatay andhi yuhuudi, boqol iyo dhawr kalena waxa lagula cararay dhooli tiiyoo dhiiggu hibitiqayo. Farsamada noocan ah oo aan ahayn mid cusub, balse lagu yaqaanay in ragga reer Falastiin ay cadho darteed sida miinada iyo banbaanadda ugu qarxaan Yuhuudda, ayaa aad loola yaabay gabadhan banbaanaha noqotay.
Dadka Yuhuudda iyo Falastiin oo isla kadeednaa ilaa markii aan garaadsaday, waxay isku hayaan baloodh reer Falastiin leedahay oo Yuhuuddu ku dul faasaxday beri hore oo ku yaalla Xaafadda Bari dhexe, waxaana Jihaad dhagax-tuur ah la galay Yuhuudda, ciyaalkii aabayaashood laga khiyaameeyay dhulkaas oo ku garaadsaday iyadoo seeskoodii uu deggan yahay reerkaa Yuhuudeed oo ah qoys taajir ah oo boolis iyo milateriba leh. Wiilasha reer Falastiin ayaa bilaabay markii dambe in ay noqdaan miinooyin ku qarxay Yuhuudda, iyadoo boqolaal kun oo wiilna laga dilay. Dhulkaas oo uu maayar ka yahay Maraykanku oo Yuhuudda ugu garab-gorayeeya boolidaas oo aan la garanayn in uu ka iibiyey oo uu kaash ka tirsaday iyo in uu ku laaluushay, ayaa dhowr goor ku dhexdhexaadiyay nusba-nus in ay ula qaataan baloodhkaasi.
Madaxweyne Buushe ayaa waxa hadal ugu dambaysay isagoo leh; “Fari baadh, de sitiwayshan wooras, ay dhoono, bikows tudhay is laadhi suusaydh bom, tumooroo wil bii caroogato or shamaaqile...”
Hargeysa
Ururada hooyooyinka iyo haweenka ee xaafadaha isku raran, qunyar degga, dhaka dumuq, toora boora iyo nawaaxigooda ayaa ka walbahaarsan bambooyinka -- inkastoo aan cidi ku qudh bixin dhiigna ku daadan - lala baraystay xafiisyada ururka UDUB ee Shankaroonta kadib markii ugu dambeeyay uu habeen dhawayd ka dayaamay xafiiska dhexe ee xisbi-UDUB ee ceelka Hargeysa, oo waxyar uun ka dambeeya guriga uu seexdo Madaxbuurka Shankaroonland.
Xafiiskan UDUB ee Boorame iyo ka Burco, ayaa labadaa midba mar Banbaano doobir leh la huwiyay. Xafiisyada Ceeri iyo kuwo kale oo gudaha Hargeysa ah ayaa iyagana qaylo iyo is qabqabsi ka soo yeedhay. Qaraxyadaas oo cid sheegatay iyo cid lagu masabidaytoona aanay jirin, ayaa Islaamahaas oo iyagu Ciyaaraha Batarka, Wiglada, Wala-saqada iyo Saylicida ugu deeqay xisbigaas, waxay baqo ka muujiyeen in qaarkood ay udubnimada la qarxaan, maadaamoo ganbadda Xaawalaydu soo werisay in qaraxyadaa ay ku lug yeelan karaan udubyahano waaweyn oo farsamo xumo ka cadhooday. Waxa kale oo ay xanaaqad weyn ka muujiyeen Faraajiin iyo Falaasyo badan oo ku idlaaday qaraxii bam ee u dambeeyay.
Madaxkuuska Shankaroonland ayaa maalin dhawayd Warqad duco-qabayn ah, cawda ugu jaray Xaakinkii haystay Maxkamadda ugu saraysa oo lagu naanayso Shuushuu.
Horta warqadda duco-qabaynta la yidhaa asalkaba ma sheegto, waxa qofkaa lagu amuursaday, waxaase raadyowgu ka warhayey in ninkaa ay ka il heleen qolada Baarlamanka la yidhaa oo uu xalaalayntooda ka jaakidhay, taas oo ay beri horeba u diideen laakiin uu ka dhiman waayey xagga madaxkuuska oo aanu ka ag fogaan.
Habro cisho dhawayd Shir-saxmadeed ku qabtay hadh-galbeedka buulka raadyowga ayaa shaki ka muujiyay in Shuushuu dib loo magacaabi doono, marka dawladda la isku qulubaa-gediyo dhawaan. Laakiin oday siyaasi aqoon ah ayaa yidhi; “Xaajigu wuxuu ka shakiyay in gudoomiyuhu oo dastuurkana madax ka ahi uu isku laba-rogi karo, marka 23-ka Febarwari la gaadho oo uu yidhaahdo, Muddo-kordhintii guurtida maa yamshii, sidii Cabdillaahi Yuusuf ku dhacday oo kale ilayn rag lama maleeyee.
Odaygu waxa kale oo uu i xasuusiyay in bari dhawayd Madaxkuusku oo shir ka yidhi, “Ninkaa waan eryi lahaaye sharci yaqaankii aan ku bedeli lahaa baan doondoonayaa, iminkana nin baan soo beryay oo qurbaha iiga iman doona.
Warar la isla dhex xulayay beryahanba, ayaa sheegayay in Madaxkuusku u khuurinayo qulubaa-gedi laxaad leh oo ku samaynayo dawladiisa, taas oo waafaqsan muddo-kordhintii dhawaan guurtidu ammaahisay, waxaana la ii sheegay in wasiiro badan ay baqdin foodda gelin kari waayeen buulka odaygu seexdo, haddaba war boobe Oday-dhiiqday oo ka mid ah wargaleenada raadyowga ayaa dharaar dhowayd si kama’ ah uga nixiyay, ministir aakhir samaan oo qolkiisa hoosta uga xidhay werwerka iyo baqdinka qalabaa-gediga soo fool leh, waxaana uu ku qabtay isaga oo ku laamadoodsan kursigiisa, kuna luuqaynaya; “Lay duco-qabeeyeey --- Ma adinkaygaan eersadaa --- Ma afkaygaan eersadaa --- aan ooyee albaabka ii xidha.”
Waxana uu war-boobuhu geeska la dhigay Wareysi, kadib markii ay sheekaysteen. Ninkaas oo intii aanu ministiroobin aanu makhaayad bunka ka wada dalban jirnay, ayuu war-boobuhu si kadis ah isku soo dul taagay, isaga oo erayo argagixiso ku noqday ku yidhi; “Asalaamu calaykum, sacaadul-wasiir.” Inta uu ministarkii isla booday sidii oo uu sardho ka baraarugay, ayuu sare ugu dhawaaqay; “Ahlaan wasahlan, soo dhawaw.” Haddii aan fadhiistay asuu hal cabaara aamusnaa, ayuu hore u soo fadhiistay oo intuu labada suxul miiska ku mutay ayuu yidhi; “Haa adeer, ma wasaaradan ayaa lagu soo magacaabay - maxaa darnaa?”
Oday-dhiiqday: (Isaga oo amakaagsan) Magacaabis caynkee ah dee?
Minister: (oo dhoola cadeynaya naftiisana ku sasabaya in ay qarsato muraara-dilaaca) Adeer, way na arbusheen oo waxbay sidaa isula dhex qaadayaan, reshafal iyo waxbay sheegsheegayaan ee adigu maxaad ka war haysaa?
Ministarku qacdiiba wuxuu ku naxay jimidh yaraanta war-boobaha oo uu u qaatay gacan yaraha madaxkuuska oo dhanbaalada duca-qabeenka iyo kuwa barakayntaba qaada, haddana Alla uma kaadine kolayga wararka lagu qaado oo war-boobaha garabka u sudhnaa ayuu u qaatay Shandadda ministaradu ku xaragoodaan.
Oday-dhiiqday: Maya - Maya, adeer anigu war-boobe raadyow baan ahay, waxaanan kuugu imid in aan war yar kaa toociyo oo al-yacni aad raadyowga ka hadashid.
Minister: (Inta uu si ragganimo leh u soo fadhiistay oo gilgishay sidii Libaax hurdo bogtay ama oday abu xaraaro ah subax hore laba koob oo bun ah nafta ku istaadhay ayuu bilaabay hadal isaga oo leh, uuuuux....uuxuu.., si uu dhuunta u sifaysto) Hawlaha oo dhami sidii loogu talo-galay ayay u socdaan, maantana maalin aynu ka macaanahay ma jirto, waxaas oo libin ahna waxaa u sabab ah Illaahay ha inoo daayee Madaxkuuskeena, waxa uu inagu hogaamiyaa maskax fereesh ah, karti iyo aqoon, Illaahay xikmad iyo xeeladba hala jiree, haddana waa ta loo kordhiyay - waxa jira kuwo dambeeya oo badwaan ah ----.
Oday-dhiiqday: Sug-sug mudane --- aan kaa dhex galee.
Minister: (wuu iska sii watay).
Oday- dhiiqday: Mudane taasi waa oraydhe, bal iiga waran wasiiradii miyaa ruxruxayaa?
Minister: Sheekooyin caynkaasa suuqa waan ka maqlayay.
Oday- dhiiqday: Oo dabadeedna?
Minister: Dee dabadeed, kursigu waa meerto oo aniga wuu ii soo meeray wuuna iga meeri doonaa, adigana wuu kuu soo meeri doonaa markaaga..... laakiin ma filayo..... ilama aha.
Oday- dhiiqday: Adiga iyo rag kaleba waa la hadal hayaa, waxoogaa werwer ahina wuu kaa muuqdaa, miyaanay jirin, runta noo sheeg ninyow?
Minister: Anigu muddo yar baan minister ahaa, shaqadaydana si fiican ayaan u gutay oo maalin maan fadhiisan, dee maxaa la iigu marmasoonayaa adaan ku weydiiyee, wayse jirtaa in la i hadal hayey.
Adeer aniga uun baan hoos kuugu waramayaa waxaan kuu sheegayaa, haddii uu aniga i soo doonto wax waliba wayga dhaar in cid nakala saarta la waayi oo gartayada Jineefa lagu naqi.
Oday- dhiiqday: Oo sabab, maxaad samaynaysaa?
Minister: Oo waayadeed dee, maxaan ku galabsaday, waa godob mana yeelayo, aniga waxaa la ii diray in aan beeshayda soo mustafeeyo oo aan soo xareeyo. Inta aduun ah ee la ii dhiibo iyo wixii aan helaba waxaan ku furfurayay mucaaradka. Inta aan Caaqil, Suldaan iyo Siyaasi xun oo aanu isku reer nahay aan soo xareeyay ee aan odayga u keenay, ma cadadna. Show nimankan aan soo mustafaynayayba anigay duulaan igu ahaayeen, taas baan ka muraara-dilaacsanahay ee kama xumi duca-qabaynta. Imikaan maqlayaa in ragii aan soo xareeyay ay hudheeladan ku jiraan oo ay sugayaan in aniga la igu bedelo. Anigu si daacad ah baan u gutay waajibkaygii ee miyay i qabataa, rag Allow.
Oday- dhiiqday: Marka, ma dow darro iyo cadaalad darro ayaad tirsatay?
Minister: Oheey.. Oh!! Waayo aragnimo la’aanay ba’, mayee waayo-aragnimo la’aanna way ii wehelisaa oo anigaa gacantayda isku makalay. Wasiiro khuburo ah baa jira, waxay igu yidhaahdeen; “Nacas, miyaa cid beeshaada ah oo baadiyowday la soo hooyaa oo odayga loo geeyaa, sow ku dacweyn maayaan ama ku damaaciyi maayaan, waxay ahayd in aad dab iyo colaad kala dhex dhigto beesha iyo xukuumadda, sida kaartadii Salaadiintii Burco ka timid ee odaygu casuumay lagu weeraray oo kale, taaba rag baa khidadeeyey.
Oday- dhiiqday: Oo ma waxa aad leedahay wasiirada xilka ku raagaa, shuquladaas bay yaqaaniin?
Minister: Yes, Nacam, waa rag daran, isma gabayaal.
Oday- dhiiqday: Xafiiska maxaad u rinjiyayn wayday oo wasaaradda iskaga hagaajin wayday?
Minister: Adeer horta lacag la iiguma dhiibin oo la ima odhan xafiiska ku rinjiyee. Mida kale lafteeda cilmi baa ku jira oo ma ogtahay, haddii aad wax diid iyo wax doon yeelato ama meeshaada dhaldhalaaliso eedda iyo godobta iska ilaaliso, waxqabad iyo dedaal isku daydo, dadka isku wado oo dabadeeto lagu ammaano ama aad Jaraa’idka isku sawirto in odaygu kaa shakiyayo oo moodayo in aad hunguri Siyaasadeed leedahay oo aad kursigiisa ku socoto ama aad quudaysid. Markaa casharkaa horaa la iigu dhigaye kanbaa ii dhuuntay.
Oday- dhiiqday: Aad baad u shaqaysay markii muddo-kordhinta loo ololaynayay miyaan dawladii dhan loo kordhin?
Minister: Waa waxyaabaha aan ka cadhaysanahay, odaygana cidi kalama shuruutamin waanu uun la dagaal galnay, waana ta aan ku leeyahay ma filayo in uu cidlo nagaga tago.
Oday- dhiiqday: Haddii uu odaygu idiin joojin waayo oo sidaa lagugu eryo, suurto-gal ma tahay in aad markiiba Mucaaradka la safato sidii ragii hore?
Minister: Taa imika waxba ka odhan maayo.
Xogtii Habeen hore
Caweyskii habeen hore, Fiidyow suuqa dhexe ku yaalla ayaa waxa soo galay Shimbir iyo Baranbaro wada socda, iyagoo doonaya in ay galaan filimkii “Balaayo hoog doon,” ee gaaladuna “Balaak hawk dhown” tidhaahdo ayaan la kulmay, waxaan ka bixiyay lacagtii filimka oo aan ugu kireeyay laba kursi. Nasiib darro markii filimkii bilaabmay, ayaa judhiiba waxa soo baxay xayaysiiska sunta cayayaanka ee biif-baafta la yidhaa oo baranbarooyin lagu buufinaayo.
Markay baranbaradii biif-baaftii daawatay ayay suuxday, waxaana loola cararay Cusbitaalka. Markay suuxdintii ka soo noqotay ayay aragtay Baranbaro kale oo waadhka ag jiifta oo feedhaha laga jebiyay, waxay weydiisay xageed ku dhaawacantay, ma fiidyowga? Baranbaradii kale ayaa tidhi; Maya ee Kab dacas ah ayay gabadhi dhabarka igaga dhufatay.
Shimbirtii fiidyowga daawanaysay ayaa iyana markii filimkii qumaati u bilowday, waxa ku soo baxay Madfac la ridayo oo shimbirihii oo dhammi shanqadha ka yaaceen.
Markii ay shimbirihii aragtay ayay iyana duushay oo daaqadda ka baxday, siday u cararaysay ayaa waagii baryay, waxayna la kulantay shimbiro kale oo ku socda magaalada si ay cunto u doontaan, intay shimbirtii kale ku biirtay ayay tidhi, ma waxaad tihiin kuwii Madfaca lagu ridayay?
Maya, ayay ku yidhaahdeen ee anagu Madfacba beryahaaba maanu maqal ee imikana magaaladii baanu u cunto doonanaynaa. Kolkaasay ku tidhi; waar magaaladii dagaalbaa ka socay oo aniguba xalay waxaan ka soo qaxay madaafiicdii la isla dhacayay.
War-shimbireedkaasna, waxa buurta rabshiga nooga soo diray Weriyahayaga Fiidyowyada iyo Cayayaanka Mr. Kabajaa.