Happy independent day
We are celebrating for the good days of 1960’s 70’s and 80’s not the chaos of the last 18 years
Tixdaan gabey waxaa tiriyey isagoo u murugoonaya Soomaliya sidey beri ahaan jirtey iyo xaalada ey maanta ku sugan tahey abwaan Faarax Axmed shuxaaye
Murugadaan ku haysiyo
mahadhooyinkaan badan
Madficiyo rasaastiyo moodharkaan ku qaybsaday
Maydka raasaskaagiyo meelkastaba ku baylahay
Meekhaankaad lahayd iyo meesha aad ku sugantahay
Maxaa keenay taas baad Muqdishoy isleedahay?
Maanyadii baddaadee cirka midabka u ekeyd
Malleygiyo badjiifkiyo maraakiibta quustiyo
Meel lagu dabaashiyo meel lagu dalxiisiyo
Marso laga hoggaanshiyo maamul suga ammaankiyo
Wixii muunad quruxeed sidaa kuugu meernayd
Mooskiyo babaygiyo khudraddii macaankoo
Meelabadan adduunyada magaceenna lagu qoray
Mirihiiyo liintii meelkastaba ka bixi jiray
Moxoggiyo sabuulkii mawaashida la siinjiray
Maandooriyaal badan miyaa lagu badalay taas?
Meeshii tacliintiyo maamul kala danbayn iyo
Maaraynta guud iyo machad iyo iskuul iyo
Milcaamadihii diintiyo masjid lagu salaadiyo
Mukarama jidkeedii milicsiga ku fiicnaa
Maxaa keenay badow iyo inuu geel ku mayraco?