Postby AbdiWahab252 » Wed Jul 01, 2009 10:45 am
Jeneral Qeybdiid" Madaxa ayaan karfan ku xirtay,waxaana qoriga u cabeestay laba mid" Wareysi.
Mogadishu 30 June 2009 Waagacusub Media.
Taliyaha boliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa markii ugu horeeysay Wareysi uu siiyay Waagacusub shir Jaraa'id oo Mogadishu uu ku qabtay kadib wuxuu kaga hadlay hadalo qayaxan oo aan hore looga baran.
Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9
"Hadii Shalay kala daadsanaan iyo habac laga dareemayay dowladda,waxaa qalabka qaatay rag aan anigu ku jiro,waxaan karfanta madaxa ugu xirtay labo mid,waa inaan howlgalkeeyga ku shahiido ama inaan Koofurta Somalia ka sifeeyo Xasan Dahir Aweys iyo Shayaadiinta la socoto ee astaanta u noqday gumaadka shacabka,fulinta qorshayaasha cadawga Somalia"ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.
Jeneral Qaybdiid wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan Jihaad lagu difaacayo ku dhaqanka shareecadda Islaamka,laguna sifeeynaa kooxaha Khawaarijta ee Xasan Dahir ugu horeeyo.
" Anigu marna dagaalada socda kama qeyb noqon oo maalintii aan Bandiiradleey ku qabtay shirka Jaraa'id December 2006 ayaan balan ku galay inaana ku kicin tilaabo aargoosiya ama hurin dagaal,hada waxay taagan tahay Jihaad xaqa,Xasan Dahir kor iyo hoos ayaan ula hadalnay oo waxaa laga maamulayaa Asmara,dhegahiisa cid kale uma daloolaan,Ilmahiisii dibadda ayuu u dhoofsaday,wuxuu doonayaa inuu Caruurta iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed laayo,inuu dalka ku beero Al-Qaeda iyo Eretrian dano gaara leh,hadaba maanta anigu qoriga ayaan sitaa,magaceygu waa Cabdi Qaybdiid,gumaca rasaasta ayaan kula hadleeynaa Xasan Dahir ee bal hanagala warsugo inaan islaheyn nabad raadsha iyo inaan nahay dowlad ama rag taag daran sida Saxaafadda adeegsato"ayuu yiri Cabdi qeybdiid oo hadalkiisu ahaa mid qayaxan.
Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in Mogadishu laga bilaabay hoowlgalo lixaadleh,lagana mamnuucay gawaarida leh Muraayadaha Madoow.
" Qoladda Xasan Dahir waxaan ku dhaaranayaa,lana wada ogyahay inaan ku filanahay keligeey,iska dhaaf dowladde,adeer aqoon ayaa la isu leeyahay ee shalayto waxaan joognay afka hadal,hadii Wiil Hargeysa ka yimid oo magaca bedeshay iyo mid Afghanistaniya igula dagaalami karaan Mogadishu,oo Caruurteena miinooyin ku xir xiri karaan kubadda waxay noo dhextaal garoonka Seeriga ma foga dhawaaqiisa"ayuu hadalkiisa ku geba gebeeyay Cabdi Qaybdiid.
Hadaladda hanjabaada huwan ee Cabdi qeybdiid oo ka baxay Warbaahinta ku hadasha afka Somaliga guud ahaan waxaa sii kordhaya hadal heeynta,waxaana la sheegay in Saraakiil ay ka mid yihiin Xasan Dahir iyo Cali dheere isugu tageen shir deg dega,oo looga arrinsanayo waxa u sababa dhaarta iyo erayada hanjabaada huwan ee Cabdi qeybdiid.
Shacabka Mogadishu oo tacadiyo baahsan lagula kacay waxay u arkaan jaanis wanaagsan in garabyadda hubeeysan ku kala baxaan gacan ku heynta Magaaladda,waana hubaal in hadii dagaalka si rasmiya u biloowdo in dadweynahu garabsiinayaan dowladda maadama kooxaha kale ee huwanta uu luqad ka dhigteen gabood falada dadka loogu yeero Berimageydada