Madaxii Ammaanka Maxkamadaha ee Beled weyn oo ka baxay Maxkamadaha una galay Xisbul Islaam
Madaxii Ammaanka ee Magaalada Beled weyn u qaabilsanaa Maxkamadaha Islaamka Sheekh Ibraahim Yuusuf ayaa isaga baxay Maxkamadaha, isagoona u galay dhanka Xisbul Islaam ee ku sugan Galbeedka Magaalada Beled weyne.
Sheekh Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu isaga baxo Maxkamadaha, waxaana la soo sheegayaa in isaga iyo ciidamo uu wato ay saaka u tallaabeen dhanka Galbeed.
Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa qarka u saaran bur bur, iyadoona maalmihii u dambeeyay ay iska casileen mas'uuliyiin muhiim ah, waxaana tani keeneysa in xaalado cakiran uu soo wajho Magaalada Beled weyn oo ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha.
Sidoo kale ka bixitaanka Taliyahan ayaa ku soo aadeysa xilli uu Gobolka ka maqan yahay Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com



