Posted: 7/5/2009 8:03:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegtay in ay ku qab qabteen Dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradaani ay maanta soo bandhigtay dowladda KMG oo tiro ahaan gaarayay ilaa 5-dhalinyaro ah kuwaasi oo sedxa ka mid ah da’doodu ay aad u yareed islamarkaana ay ku yaaleen dhaawacyo fud fudud ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Ciidanka nabad Sugida ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka soo qabteen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka daraawiishta dowladda KMG Afrax Cali Afrax oo la hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay in ragaani Sedax ka mid ah ay shalay galab ka soo qabteen isgoysyada Howlwadaag,Aadan Cadde iyo Bakaaraha halka uu tilmaamay in labo ka mid ah maalintii jimcaha ay ka soo qabteen degmada Kaaraan.
Mid ka mid ah dhalinyaradii Maanta ay dowladdu sheegtay in ay ku soo qabtay dagaalada islamarkaana ay soo bandhigtay ayaa saxaafadda u sheegay in laga soo qabtay Shalay galab isgoyska Howlwadaag xili uu ku jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda.
Sidoo kale Sheekh C/risaaq Max’ed qeylow oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ciidanka daraawiishta ayaa isna sheegay in Maxaabiis kale oo intaasi ka badan ay gacanta ku hayaan islamarkaana iyagoo dhaawac ah ay jiifaan qaar ka mid ah cubitaalada Magaalada Muqdisho.
Mar aan la xariirnay qaar ka mid ah saraakiisha dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG si aan wax uga weydiino Ayay inoo suura gali weysay.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail.com
Daawo Sawirada





