Dowladda KMG ah oo sheegatay in 20-sano ka dib dekedda Muqdisho laga dhoofinayo xoolaha loo iib geeyo Wadamada Carabta.
Posted: 7/7/2009 9:48:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Dowladda KMG ah ayaa sheegatay in 20-sano ka dib dekedda Muqdisho laga dhoofinayo xoolaha loo iib geeyo Wadamada Carabta.
Wasiirka xanaanada xoolaha iyo dhirta Abuukar Cabdi Cismaan oo maanta shirjaraa’iid ku qabtay Magaalad Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray wadamada Caalamka ,waxa uuna sheegay in heshiis balaaran oo ku aadan iibgeynta xoolaha Soomaalida ay la gaareen Shirkad weyn oo laga leeyahay Wadanka Sucuudiga islamarkaana Xajka soo socda xoolaha Soomaalida si toos ah looga dhoofin doono dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho kadib mudo dhowr sano ah oo ay ka xayirnaayeen wadamada Caalamka.
Arrintani ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dad fara badan oo Soomaali xoolo dhaqato ah ay ka soo wajahday dhibaatooyin farabadan oo dhanka dhaqaalaha ah kadib markii xoolaha Soomaalida laga mamnuucay wadamada Caalamka qaarkood islamarkaana lagu eedeeyay in caafimaadkoodu uusan wanaagsaneyn.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.