Source:http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5581&z=2
Muqdisho:"Dhawaan waxaan tagi doonaa Kismaayo iyo Baydhaba si awood ah ayaana ku maquunin doonaa kooxaha mucaaradka sheegta" Afhayeenka ciidamada Amisom
13. juli 2009
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)-Afhayeenka ciidamada Amisom Captan Buhuku ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay tagi doonan meelo ka baxsan caasimada sida magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba oo hada ay maamulaan xoogaga Al-Shabaab.
Mr:Buhuku waxaa uu sheegay in dhawaan ay heli doonaan fursad u fasaxi doonta in ay hawlgalo ka sameeyaan Muqdisho meel ka baxsan .
"Waxaa imaan doonta maalin aan kooxaha mucaaradka ku jabin doono meelo caasimada ka baxsan laakin wa marka la fasaxo hawlgalkeena oo laga nabad sameeyayaal halka hada aan ka nahay nabad ilaaliyaal" ayu yiri Buhuku.
Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xili maalmahan la hadal hayey in Midawga Afrika ay magaalada Adis'ababa qalinka ugu duugi doonaan in la dhameystiro ciidamada Amisom loona fasaxo in dagaalka ay galaan oo ay nabad dhaliyaal noqdaan.
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
Damnnnnnnnnnn...