Xoogaga Islaamiyiinta ayaa umuuqdo kuwo u Awood sheegtay Ciidanka Dowladda KMG Somalia kadib markii ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo laf dhabar u ahaa ka arriminta dalka Somalia.
Warar Xaqiiq ah oo Xafiiska Raxanreeb.com Wadanka USA soo gaaray ayaa sheegaya in Xoogaga Islaamiyiintu ay samaysteen qorshayaal ay uga fogaanayaan isku dhac dhax dooda ah hadii ay usuurta gasho in ay xilka ka tuuraan dowlada uu Madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
Si looga fogaado wixii ku dhacay Ururadii USC sanadii 1990-kii ayay xoogagaasi ku Heshiiyeen in ay kala qayb-sadaan Xukunka si ay u dhisaan Dowlad Islaami ah.
Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay in loo qoondeeyay Jagada Amiirka Dowlada Islaamiga ah iyo Garsoorka halka Ururka Xisbul Islaam loo qoon-deeyay jagooyinka Taliska Ciidanka iyo Maaliyadda iyagoona maamuli doono ilaha dhaqaalaha Kismaayo,Muqdisho,Marka iyo dhamaanba garoomada ay Islaamiyiintu maamulaan.
Sidoo kale Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ayaa dhisay Gudiyo ay ku midaysanyihiin Odayaasha dhaqanka, iyo Ganacsato caan ka ah Suuqa Bakaaraha oo talada sii wedaya muddo 3-bilood ah marka xilka ay ka qaadaan Madaxweyne Shariif.
Ila Wareedkan oo Xafiiska Raxanreeb.com USA soo gaaray ayaan la xaqiiji karin waxa ka suurta geli kara hanqal taaga Xoogaga Hubaysan oo aan la ogayn sida ay xukunka uga tuuri karaan Dowlada Sharciga ah ee lagusoo dhisay Jabuuti balse noqotay mid fadhiid ah.
Source: http://www.raxanreeb.com/?p=13872




