Dekedda magaalada Berbera ayaa maalmahan ugu danbeeyay la camirnayd shixnaddo alaabbo kala duwan oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kadib markii dib loo bilaabay heshiiskii dawlada Somaliland lagashay wadanka Itoobiya,oo in muddoba hakad ku jiray.
Dawlada Itoobiya oo alaabada ugu badan ka soo dejisata wadanka aan jaarka nahay ee Djibouti ayaa hadana muujisay inaan suurto gal ahayn in wadanka Itoobiya ku xidhnado hal wadan kaliya, alaabada ay soo dejiyaan oo badan awgeed iyo arimo siyaasadeed oo aan wadana jeclayn in wadanka kaliya ku xidhnaado marka laga hadlayo isticmaalka dekedaha wadamada shisheeye.
Itoobiya oo ah wadan dad aad u adan ku nool yihiin oo gaadhaya 75 Milyon oo qof, ayaa hadana lahayn wax deked ah oo ay isticmaalaan, taasina waxay ku kaliftay in heshiis la gasho wadanka Somaliland oo juqraafi ahaan aad uga fogayn , isla markaana badeecadaha qaarkood ay si ka dhib yar looga soo rari karo dekeda Berbera marka loo eeggo dekedda Djibouti.
Hadaba heshiiskan ay labada dawladood qalinka ku duugeen ayaa isna sheegaya in la dhiso wadadda u dhaxaysa magaalada Wajaale ilaa dekeda Berbera, balse ilaa hada waxa ka hirgalay ma jiraan,marka laga reebbo wadada Jigjiga oo la soo dhisay ilaa xuduuda dhinaca Somaliland , balse lama oga dhinacan Somaliland goorta la hirgalindoono.
Shalay ilaa daraad waxa wadooyinka waawayn ee Hargeysa lagu arkayay baabuur dhaadheer oo kuwa xamuulka qaadda ee laga leeyahay dalka Itoobiya oo qaarna ku sii socdaan magaalada Berbera qaarkoodna kasoo rareen badeecooyin kala duwan oo laga leeyahay dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxa iyana la arkayay baabuur kale oo laga leeyahay Somaliland oo iyana sida badeecadda Itoobiya una sii jeeda dhinacaa iyo xuduudda labada dal wadagaaan ee Wajaale.
Hadii heshiiskan sidaasi ku hirgallo oo Itoobiyaanku si joogto ah u isiticmaallaan dekedda magaalada Berbera waxaa si wayn u kordhi doona dakhliga iyo miisaaniyada dawlada Somaliland waxaana looga faaiidaysan doonaa dib u dayactirka dekedda magaalada Berbera oo wakhtigan xaadikra u baahan dib u habayn wayn iyo qalabayn casri ah si markaasi ula jaan-qaaddo dekedaha jaarka ah ee tartanka kula jira.





