Dagaal xoogan caawa ka socda wadada Maka Almikarama degmada Hodan ee Gobolka Banadir iyo madaafiic ku dhaceysa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.
Dagaalkaa xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaliya iyo ciidamada Amisom oo dhinac ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa caawa waxa uu ka soconyaa wadada Maka Almikarama degmada Hodan ee Gobolka Banadir.
Daagaalka caawa soconaya ayaa bilaawday ka dib markii xoogaga hubeysan weerar ay ku qadeen ciidamada dowlada Soomaliya iyo ciidamada Amisom ee fariinsinta ku leh wadada Maka Almukarama sida dadka deegaankaasi ayaa sheegayaan.
Dagaalka waxa leysku adeegsanayaa madaafiic ayaa waxa ay ku dhacayaan xafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo howlwadaag ee Gobolka Bnaadir, tiro madaafiic ah ayaa waxa ay ku dhaceen Bakaaraha qeybaha Dawad,qudaarta iyo meelo kala.
Sidoo kale madaafiic ayaa iyana waxa ku dhacayaan xaafado ka mid ah Degmada Hodan gaar ahaan Siigaale iyo agaarka Seydka hasa,ahaatee waxana ilaa haatan la ogeyn qasaaraha ay geeysanayaan dagaalka iyo duqeymaha caawa isbarbar socda maadaama dagaalka uu wali soconayo.
Waxana xaafadaha qaar ee ay madaafiicda ku dhacyaan lagu arkayaa gawarida gurmad deg dega ah oo soo bixinaya dadka rayidka ah ee caawa dhaawacyo dagalka iyo duqeeynta ay ka soo gaartay.
Are you surprised?



