Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hay’adda IOM oo Somaliland Dib uga Bilowday Mashruuc Dalka D

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Hay’adda IOM oo Somaliland Dib uga Bilowday Mashruuc Dalka D

Postby MALMAHA » Mon Jul 20, 2009 11:04 pm

Hay’adda IOM oo Somaliland Dib uga Bilowday Mashruuc Dalka Dib loogu soo Celinayo Aqooyahanka ka Haajiray si looga Faa’iidaysto

Hargeysa (Jam)- Mashruuc dalka dib loogu soo celinayo qurba-jooga aqoonyahanka ah, si ay xirfadooda iyo aqoontooda ugu faa’iideeyaan, ayaa hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay socdaalka adduunka ee IOM ka bilowday Somaliland.


Mashruucan oo loogu magac-daray Horumarinta Afrika ee dadka Haajiray, Migration for Development in Afrika (MIDA), isla markaana hay’adda socdaalka adduunka ee IOM wado, ujeedadiisuna tahay sidii dadka ka haajiray qaaradda Afrika ee xirfadaha kala duwan iyo aqoonta ka kasbatay dalalka ay u haajireen dib ugu soo laaban lahaayeen dalalkoodii, si ay ugu horumariyaan aqoontooda, ayaa sannadkii hore hay’addu Somaliland ka bilowday mashruuc lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, kaas oo qaraxyadii Hargeysa kadib hakad ku yimi mar labaad dib loo bilaabay.


Shir ballaadhan oo hal maalin socday, laguna soo bandhigayey muhiimadda mushruucan, ujeedadiisa, sida uu ku yimi iyo meelaha awooda lagu saarayo, isla markaana ay ka qaybgaleen dadweyne isugu jiray masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, madaxda cusbitaalada gobollada dalka, ururrada ka shaqeeya caafimaadka, aqooyahano, qaar ka mid ah hay’adaha dawladda iyo marti sharaf kale, ayaa shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.


Madaxa xafiiska hay’adda IOM Lisa Mackey oo furitaankii shirkaas ka hadashay, ayaa ka xogwarantay mashruucan iyo ujeedadiisa, waxaanay sheegtay inuu faa’iido weyn u leeyahay horumarinta dalka Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iyadoo tilmaantay in dad aqoonyahan reer Somaliland ah hore u yimaadeen dalka iminka qaar cusub bilaabayaan.


“Mashruucani waxa uu si gaar ah awoodda u saarayaa adeegyada caafimaadka ee dalka, haddii ay noqoto tababarka shaqaalaha iyo ardayda jaamacadaha iyo haddii ay noqoto daweynta bukaankaba. Waxaanan aaminsanahay in aqooyahanka sida mutadawacnida ah dalka ugu soo noqonayaa heli doonaan soo dhaweyn fiican, sidii soo dhaweyntii aan helay oo kale,” ayey tidhi Lisa Mackey.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Anwar Maxamed Cige, ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in guud ahaan caafimaadka dalku fiican yahay, balse labada gobol ee Sanaag iyo Sool ay adeegaydooda caafimaad aad u hooseeyaan oo dhib badani ka haysto, sidaa daraadeedna waxa uu ugu baaqay hay’adda IOM inay mashruucan u badiyaan labadaas gobol.


“Dadka mashruucan doonaya inay wax ka qabtaan waa inay u diyaar garoobaan labada gobol ee Sanaag iyo Sool oo adeegyadooda caafimaad hooseeyaan, isla markaana culays badani naga haysto,” ayuu yidhi Mr. Anwar.


Agaasimuhu waxa uu u soo jeediyey jaaliyaddaha reer Somaliland ee dibadaha, gaar ahaan kuwa Maraykanka iyo Kanada oo aan iyagu mashruucan ku jirin inay kaalin horumarineed dalka ka qaataan.


Ugu dambayntii Madaxa mashruucan Shukri Sheekh Cali, ayaa shirkaasi ka jeedisay warbixin ka hadlaysay cida iska kaashaysa mashruucan, faa’iidada ilaa hadda laga gaadhay iyo waxa loogu doortay horumarinta caafimaadka. Waxay sheegtay in mashruucani ay iska kaashanayaan dawladda Finland, urur ay leeyihiin soomaalida ka shaqaysa caafimaadka iyo jaaliyadda dalkaas degan, isla markaana ay qayb ka tahay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, cusbitaalada, ururrada bulshada, jaamacadaha iyo dugsiyada laga barto caafimaadku.


Marwo Shukri waxay xustay in mashruucan lagu bilaabay saddex qof oo muwaadiniin aqooyahano reer Somaliland oo ku nool dalka Finland, balse nasiib-darro qaraxyadii Hargeysa awgood markiiba dib loogu celiyey Finland.


“Mashruucan waxa loogu talogalay in laga shaqaalaysiiyo ilaa 22 qof oo aqooyahan degan Finland ah oo si mutawacnimo ah dalka dib ugu soo laabta, si ay uga qaybqaataan horumarinta adeegayda caafimaadka ee dalka,” ayey tidhi Shukri.


Shukri Sheekh Cali waxay warbixinteeda ku sheegtay in horumarka mashruucani ilaa hadda gaadhay ka mid yihiin iyadoo wax lagu baray 444 qof oo isugu jira kalkaaliyayaal caafimaad iyo arday ka tirsan jaamacadaha, isla markaana ilaa 513 bukaan lagu daweeyey.





Jamhuuriya Online

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 39 guests