Ninka Somaliland ugu gaaban oo ka warbixiyay waxyaabaha caqabadda ku ah nolol-maalmeedkiisa
Talaado, July 21, 2009(HOL): Shucayb Xassan Ducaale oo ah ninka ugu gaaban Somaliland, ayaa sheegay in gaabnidiisu u horseeday dhibaatooyin ay Caruurtu ku hayaan.
Mr. Shucayb oo ay waraysi la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-du, waxa uu soo jeediyay in Carruurta lagu daro Argagixisada Adduunka. Waraysigaas oo uu kaga hadlay qaybo ka mid ah saamaynta gaabnidu noloshiisa ku yeelatay, waxa uu u dhacay sidan;
S: Shucayb dhererkaagu waa intee?
J: Dhererkaygu waa hal Mitir iyo shan sentimitir.
S: Hadda Hargeysa ayaad degen tahay miyaa?
J: Haa. Magaalada Hargeysa ayaan joogaa imika.
S: Shacaybow Hargeysa xagga gaabnida luguguma haysato sow maaha?
J: Waxaan isleeyahay Somalilandba laguguma haysto (gaabnida) oo Somaliland-ba Anigaa ugu gaaban.
S: Dharka aad xidhato kuwee baad iibsataa, ma kuwa Caruurta?
J: Maya. Dharka Safaari baan toshaa.
S: Haddaad Suuqa tagto Dhar ku le’eg miyaanad ka helaynin?
J: Maya, kama helayo. Waayo; dee wax nin weyni xidho ayaa la doonayaaye, Dharkan ciyaalka ee wax ku sawiran yihiin iyo waxaas in la xidho lama rabo.
S: Shucayb, imika imisa jir baad tahay?
J: Aniga imika sannadkii 30-aad baa ii socda.
S: Maxaa ka mid ah dhibaatooyinka dhinaca gaabnida kaa haysta?
J: Waxa ka mid ah; dadku way igu soo ururaan. Inkastoo marka hore dadku ay Aniga qof yar ii haystaan, haddana marka aan hadlo ama ay aad ii sii fiiriyaan ayay dareemaan inaan nin weyn ahay, dabadeedna markaas bay igu soo ururaan Ciyaalka iyo Dumarku. Waxa ugu faraha badan ee igu soo ururaa waa Ciyaalka, khaatiyaan baanan ka taaganahay oo Anigu waxaaban idhi Caruurta Argagixisada halagu daro.
S: Ma Ciyaalka ayaad odhan lahayd Argagixisada Adduunka halagu daro?
J: Dee Anagiibay Argagixiso nagu noqdeen. Way na dhibeen – mar ay na shiidaan iyo mar ay nagu soo ururaanba dhibaatadoodu way badan tahay.



