

WAR DEG DEG AH: Degaanka Warxoolo oo Jabkii ugu Cuslaa Abid Loogu Geystay Khawaarijta { 23 Jul 2009}
waxaa la daabacay Thu 23 Jul 2009 05: 23: 53
Sida wararka lagu helayo saaka subaxii hore ayaa halkaas xarbadi ka billaabatay u dhexeeya culumada Ahlu Sunna iyo huwanta khawaarijta oo soconayay ilaa waqriga salaadda duhur.
Dagaalka oo wejiyo badan ka socday awgeed ayay adkaatay in tiro sax ah laga helo khasaaraha dhabta ah ee jira. Difaaca Ahlu Sunna ayaa xaqiijiyey in ay tira beeshay maydka iyo dhaawaca khawaarijtu walow aysan jirin cid danaynaysa ilmahaas luflufka ah ee la isku keenay.
Qiyaas laga helay degaanka ayaa sheegaysa in tirada guud ee dhimasho iyo dhaawa oo soo gaartay khawaarijta doolaalka ah ay gaareyso 260 ruux.
Dhaawaca culumada ayaa la keenay isbitaalka Guriceel oo gaaraya 1o wadaad iyadoo sidoo kalena ay jiraan geeri nin oo ah dhanka sunniga.
Duullaanka ayaa halkii uu saaka ka soo jarmaaday lagu kuusay isagoo mayd ku raran.
Qadka oo go'an awgiis ayaysan noo suurto gelin inaan faahfaahin intaa ka dheer idiin soo gudbino lakin sida aan war ku helno ayaan idinku soo gudbin doonaa inshaa Allahu tacaalaa.
Xafiiska Wararka ee Ahlu Sunna Waljamaaca
Famous commanders from the khawarij camp beheaded by the mujahideen:
Seefta Culumada Ahlu Sunna oo Qurka ka Jartay Saraakiisha Khawaarijta uu ka Mid Yahay San Dheere iyo Gumac Dheere { 22 Jul 2009}
waxaa la daabacay Wed 22 Jul 2009 16: 42: 53
Tuulada Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas kagana beegan Waqooyi-glabeed ayaa maanta gelinkii dambe waxaa ka dhacay dagaal 3 goor soo noqnoqday.
Dagaalka ayaa billowday ka dib markii khawaarijtu damceen in ay laaluush iyo sandareerto qaybiyaan si ay u helaan dhowr shaqsi oo taagerta. Arrinkaan ayaa waxaa ogaaday culumada Ahlu Sunna Waljamaaca iyagoo kaashanaya xogta shacabkooda xorta ah.
Khawaarijta ayaa sida la sheegay waxay degaan u raadinayaan calooshood u shaqaystayaal ajaanib ah oo caalamka dambiyo ka soo galay. Damaca noocaasi ma rumoobin oo ilaah ma qadarin balse baddalkeedu wuxuu noqday inta Ahlu Sunna meesha ugu tageen ay dhammaantood dhibkooda ka qabteen shacabka muslimiinta ah.
Saraakiil badan oo ahaa kuwii ugu sarreeyay khawaarijta degaanka ayaa halkaa ku le'atay. Mar kale ayay damceen inay qariyaan jabkooda oo meydka qaataan lakin ilaaheen wuxuu qaddqaray in ay meydka badiyaan oo kaliya.
Saddex jeer oo ay u dambeysay salaaddii maqribka ayay weeraro soo qaadeen kulligoodna wey ku jabeen ilaahay fadligiis. Allahu Akbar!
Khasaaraha soo gaaray khawaarijta ayaa kor u dhaafaya 20 mayd ah oo goobtii weli taal iyo tiro kale oo ay hore ula carareen. Culumada ayaa waxaa ka shahiiday 2 wadaad iyo 4 dhaawac ah. Wixii intaa dheer oo xog ah dib ayaan idinku soo qori doonaa inshaa Allah.
Xafiiska Wararka ee Ahlu Sunna Waljaaaca






