Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 3:09 am
by Amirsade
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_An ... omalia.phpThe Federal Democratic Republic of Ethiopia Foreign Affairs and National Security Policy and Strategy
Ethiopia's policy towards Somalia
a) Historical background of relations
The relation between Ethiopia and Somalia has not been a healthy one. In the recent historical period, one major and one lesser war were fought between the two countries. The empty dream of the so-called "Greater Somalia", an expansionist policy, had brought to Somalia nothing but hostility and conflicts with all its neighbors, especially Ethiopia. Moreover, Somalia had always allied with all groups and countries it believed were anti-Ethiopian and had disturbed Ethiopia's peace. On the other hand, Ethiopian Somalis had resisted the oppressive system in Ethiopia. Related to this, Somalia had succeeded in mobilizing a large number of Ethiopian Somalis as allays in its attempt to execute its expansionist policy. In this regard Ethiopia has been exposed to threats emanating from Somalia and other quarters.
Ethiopia, for its part, rather than responding to the threat by respecting the right of Ethiopian Somalis and by fostering brotherhood between the peoples of Ethiopia, so Ethiopian Somalis could live in voluntary unity with their other fellow Ethiopians, resorted to dismantling Somalia to the extent possible. The policy was to respond to Somali aggression by taking the war to Somalia and, along the way, aggravating the contradiction between the Somali clans.
The situation has now fundamentally changed. The "Greater Somalia" ideology has been discredited. It is now over ten years since Somalia has become stateless. On the other hand, in Ethiopia, a constitution in which peoples' rights are guaranteed is being implemented. Ethiopian Somalis are living in brotherhood and voluntary unity with other Ethiopians in a newly defined, inclusive Ethiopian identity. Together with other Ethiopians, Ethio-Somalis are, in the spirit of equality, democracy, development and an Ethiopian identity, resting on strong foundations and contributing to the building of the country. Ethiopia's vulnerability to the "Greater Somalia" ideology has been greatly diminished.
On the other hand, the disintegration of Somalia has in itself brought ever-growing danger. The crisis in Somalia has allowed religious extremism to take hold. Somalia has become a haven and conduit for terrorists and extremists. Anti-peace elements are using the country as a base and place of transit in order to threaten Ethiopia's peace. Somalia's disintegration has brought danger to the peace in our country.
b) Significance of the relations
There is no condition whereby Somalia could contribute as a source of investment and financial development or as a significant market for Ethiopia. After a process of some length, followed by peace and stability in Somalia, there is the chance that it could become a significant market, but this is difficult to imagine in the short and medium term. Regarding natural resources, all the big rivers in Somalia flow from Ethiopia. The irrigation schemes in Somalia which effectively served the people are in a poor state. On the other hand, as our country steps up its development, we will have to dam the rivers for irrigation purposes. The harnessing of rivers in Ethiopia can help Somalia resist floods, and so the benefit would be mutual. But on the other hand, these rivers could be used in Ethiopia - mainly in the Somali region - for development purposes. This could create a minor conflict but the problem can be tackled by the principle of give and take in a way that takes into account the national interests of the two countries.
As can be understood from the above, in the short and medium terms, Somalia does not have a positive or negative influence of note in the development of our country. And yet, in Somalia there are numerous ports that can provide services to Ethiopia. Starting from the port of Zeila which gave services to Ethiopia during its long history, all the way to Kismayo, there are no less than seven ports in Somalia that can be used by different parts of our country. These possibilities could significantly contribute to our development, but due to the "Greater Somalia"-driven conflict and national oppression in Ethiopia, they were never seriously considered (not to forget that Ethiopia had ports of its own). The current collapse of the state in Somalia makes it unrealistic to think of using the ports at the present time.
Even if the chances to use the ports were to arise, and though that would increase Somalia's relevance to our development, one cannot see a positive role that Somalia can play at this time. On the negative side, it is worth noting that the disintegration of Somalia has posed dangers for peace and stability in Ethiopia. This situation has spoilt the image of our sub-region, and the Horn is now perceived as an area of conflict. Our chances to attract investment have been reduced and the "Somalia effect" has contributed to the uncertainty about regional peace and the lack of economic linkages between the two countries.
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 3:15 am
by Amirsade
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
a) Taariikhda iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya
RIYADA ITOOBIYA
"Ethiopia's policy towards Somalia"
Waa tarjumada qoraalka boggani xambaarsan yahay...
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"
Wasaradda Arrimaha dibadda Itoobiya
Xiriirka ka dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya weligiisba ma aheyn mid caafimaad qaba. Marka la eego taariikhda dhow ee Soomaliya iyo Itoobiya, waxaa dhex marey hal dagaal oo yar iyo mid weyn. Riyada maran ee waxa loo yaqaan “Soomaali Weyn” oo ah Siyaasad is-ballaarin ah ayaa u keentey Soomaaliya wax aan ka aheyn colaad/din iyo iska hor-imaadyo ay la gashey dalalka la dariska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya. Waxaa intaa dheer, Soomaaliya weligeedba waxay la safan jirtey kooxo iyo waddamo ay rumeysantahay in ay ka soo hor jeedaan dalka Itoobiya waddamadaas iyo kooxahaas oo carqaladeeyey Nabadda Itoobiya. Tan waxaa la sii xiriirtey, in Soomaaliya ay ku guuleysatey in ay kiciso tiro weyn oo Soomaalida Itoobiya ah si ay u noqdaan kuwa Soomaalida kala qayb gala in ay fuliyaan siyaasaddooda is-ballaarinta ku dhisan. Marka taas la eego, Itoobiya waxay weligeed u ballaqneyd hujuumaad cabsi leh oo uga imanayey Soomaaliya iyo goobo kaleba.
Itoobiya, iyadu dhinaceeda, intii ay hujuumka uga yimid Soomaaliya uga jawaabi laheyd in ay ixtiraamto xuquuqda Soomaalida Itoobiya iyo in ay kobciso walaalnimada ka dhexeysa dadka Itoobiya si ay Soomaalida Itoobiya ugu dhex noolaadaan ugana mid ahaadaan iyagoo xor ah dalka Itoobiya, ayey dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas gurracan u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyey iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Si asal ahaan ah oo laga noqon Karin ayuu xaalku haatan isu beddeley. Fikraddii “Soomaali Weyn” way fashilantey. Hadda waxaa la sii marayaa 10 sano Soomaaliyana weli dowlad iyo Qaran matala ma leh oo waa dowlad la’aan. Dhanka kalena, Itoobiya, Dastuur xuquuqda dadka Ilaaliya oo suga ayaa laga hirgalinayaa. Soomaalidii Itoobiyana waxay la nool yihiin walaalahooda kale iyagoo si xor ah ula midoobay Itoobiyada kale si wadajir ahna ula difaacaya Dhalashadaas Itoobiya iyo Jiritaankeeda. Si wadajir ah ayaa Itoobiyaanka iyo Soomaalida Itoobiya waxay ugu nool yihiin shucuur sinnaan, dimuqoraaddiyad, hormar iyo u dhalasho Itoobiya. Wadajirkaas oo ku taagan tiirar ad-adag oo wax ka taraya dhismaha waddanka. Unuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.
Dhanka kale, burburka iyo kala tagga Soomaalia laftigiisu wuxuu keeney khatar kale oo sii kordheysa marba marka ka danbeysa. Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay oggolaatey in diin ku adeygga Soomaalidu uu xiddiddeysto. Soomaaliya waxay gabbaad iyo marin u noqotey argagixisada iyo kooxaha diintooda ku ad adag. Curiyayaal nabad diid ah ayaa Soomaaliya u isticmaalaya in ay saldhig iyo marin u noqoto si ay u hujuumaan nabadda Itoobiya. Sidaas darteed burburkii Soomaaliya khatar ayuu u keeney dalkeenna Itoobiya.
b) Muhimadda xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya
Ma jirto xaalad ay haatan Soomaaliya wax ku soo kordhin karto iyadoo ah meel aan hanti gashan karno iyo meel aynu ku horumarin karno maaliyadda Itoobiya ama meel suuq u noqon karta wax soo saarka Itoobiya. Muddo ka dib oo weliba nabad iyo deggenaan Soomaaliya lagu soo dabbaala ayaa ay uun jiri kartaa fursad ay Soomaaliya Suuq muhiim ah noogu noqon karto. Hase yeeshee, way adagtahay in laguba riyoodo in ay nabadi ka dhacdo Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo midka dhexeba. Marka la eego kheyraadka dabiiciga ah wabiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaadaan Itoobiya. Waraabin beereed oo habeysan maba kajiraan Soomaaliya sidaas darteed dadka saboolka ah ee Soomaalida waxay ku jiraan xaalad qallafsan. Dhanka kale markasta oo waddankeenna Itoobiya uu sii hormaraba waxay noqoneysaa in ay Biya Xireenno saarno wabiyada si aan warrab uga dhigno beeraheenn. Horumarinta wabiyada Itoobiya waxay caawin kartaa in ay daadadka ka caabbiso Soomaaliya sidaa darteedna ay faa’iidadu na wada gaarto. Laakiin dhanka kale, wabiyadan waxaa lagu isticmaali karaa Itoobiya dhexdeeda siiba gobalka Soomaalida Itoobiya iyadoo loo adeegsanayo hormarinta gobalkaas. Arrintan waxay abuuri kartaa iska hor-imaad fudud oo dhex marra Soomaliya iyo Itoobiya laakiin taas waxaa lagu xallin karaa xeer ah wax qaado oo waxna i sii taas oo tixgalin siineysa rabitaanka qaran ahaan ee labada waddan.
Sida kor ku xusan waxaa cad in muddada dhow iyo muddada dhexeba, Dalka Soomaaliya uusan wax xun iyo wax samba uusan saameyn la taaban karo ku laheyn horumarka dalkeenna. Laakiin haddana, Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya. Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatanba iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya. Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara). Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigaya wax aan la taabba galin Karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.
Xitaa haddii fursadda lagu isticmaalayo dekadaha ay dhacdo in ay kor usoo kacdo, iyo iyadoo taas ay kor u dhigi karto sida Soomaaliya ay u saameyn karto horumarkeenna, ayaa haddana qofna u muuqan Karin door wanaag leh oo Soomaaliya ay maanta ciyaari karto. Dhinaca xumaha marka aad eegto, waa muhiim in la garowsado in burburka Soomaaliya uu keeney khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida Itoobiya. Xaaladda Soomaaliya waxay qastey muuqaalka laga heysto gobalkeenna Geeska Afrika oo loo arko gobal dagaal uu ka aloosan yahay. Fursaddeennii aynu ku soo jiidan laheyn maalgalinta caalamiga ah aad ayey u yaraatey iyo “saameynta Xiisadda Soomaaliya” oo keentey in lagu jahawareero nabad gobalka ka dhalata iyo in la waayo xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
c) Jihada Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya
Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya. Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya. Arigtada noocaas ah waa qalad waana khatar. Marka ugu horreysa hadda iyo wixii ka danbeeya waddankeennu wuxuu ilaalinayaa midnimada dadkiisa (oo ayku jirto Soomalida Itoobiya) iyadoon la inkireyn rabitaankooda (madaxbannaani doonka), laakiin la caawinayo in oo la aqoonsanayo, laguna dhaqayo rabitaan ku saleysan sinnaan, horumar loo dhan yahay iyo dimuquraaddiyad
Maxsuulka habkaas kor ku xusan ayaa noqonaya in aynu abuurney xaalaadkii ay Soomaalida Itoobiya, ama fikraddii Soomaali Weyn ha la soo nooleeyo ama ha joogsatee, ku dooran laheyd in ay ku noolaadan sinnaan iyo midnimo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda Itoobiya. Marka hormarkeenna iyo dimoqoraaddiyaddeenu sii korodhaba, u jilicsanaanteenna fikraddii Soomali Weyn iyo astaamaha kale ee la midka ahba way iska yaraan doonaan. Intaas waxaa dheer, oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo, in maaddaama fikradda Soomaali Weyn ay weligeedba ahayd sababta ka danbeysa rafaadka hor iyo gadaalba yaalley Soomaaliya, ayaa fikraddaan Soomaali Weyn haatan ay fashilantey oo fursadda soo nooleynteeduna ay tahay mid aad caato u ah. Marka la eego dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya oo isa soo taraya awgiisna, xaqiiqda ah in Soomalidu ku nooshahay labada waddanba ayaa dhab ahaantii xaqiijin doonta in ay Soomalidu noqoto buundada isku xirta xiriirk ka dhexeeya labada waddan, intii ay ka haan lahaayeen wax mar walba laga shakiyo jiritaankooda.
Dhanka kale, haddii Soomaaliya ay nabad noqoto oo dimoqoraaddiyad ay ka dhalato, waxaannu heli doonnaa fursad aynu ku isticmaalno dekedaha Soomaaliya si xad dhaaf ah oo joogta ah oo noo keeni doonto in aynu si weyn u horumarno. Xaaladdaas marka la galo waxaa suurtowda in aynu iskaashi la yeelanno dowladdaas cusub ee Soomaaliya (waa dowladda Geeddi markii hore, haddana waa tan col. Nuur Cadde) si aynu xiddidada ugu siibno ficillada nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya. Labada waddan waxay si wada jir ah uga shaqeyn karaan in ay horumariyaan qorshayaal lagu horumarinayo wabiyada isticmaalkooda. Waxaa kale oo cad in la dhiirri galiyo xiriiro dhaqan iyo kuwo waxbarasho iyo wixii kale ee la hal maala sida afka Soomaaliga ee wax lagu baro gobalka Soomaalida Itoobiya. Abuurista xiriir adag oo ka dhexeeya labada waddan oo ku saabsan isticmaalka dekadaha iyo wabiyada iyo ganacsiga, dhaqanka iyo wixii la mid ah. Waxaa kale oo muhiim ah in la dhaqan galiyo in labada ummadood ay ka faa’iideystaan iskaashigan. Marka ay sidaas dhacdo, waxaa markaas la hubaa in labada ummadood ay iska caabbin doonaan wax kasta oo lagu wax yeelleynayo xiriirka labada dal iyo dad. Weliba Itoobiya waxay heli doontaa faa’iido dhaqaale oo toos ah; waxaa intaas dheer marka bariga Itoobiya uu noqdo meel ka caaggan hujuum iyo khatar in markaa horumarka Itoobiya oo dhan uu noqon doono mid sare u kaco. Waa taas sababta waqtigan xaadirka ah ujeeddadeenna ugu weyn ee ku wajahan Soomaaliya ay u tahay in aynu xaqiijinno in la dhiso nabad iyo dimoqoraaddiyad ku dhisan hormurka dhaqaale adag, dhaqan iyo xiriir siyaasadeed oo dhex mara labada waddan.
Sidan waa siyaasadda aynu innagu jecelnahay, laakiin nabad iyo dimoqoraaddiyada laguma heli karo isku deyga dhinaceenna oo qudha. In kastoo aynu innagu aad isugu dayi doonno in aynu kaalinteenna ka geysanno sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya taas oo ah danteenna ayaa haddana mas’uuliyadda arrintaas waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed iyo xooggaga siyaasadda ee waddankaas. Intaas waxaa sii dheer, in xooggaga shisheeye ee saameynta ku leh dhacdooyinka Soomaaliya in ay garowsadaan in ay awooddooda isugu geeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.
Dhacdooyinkii ka dhacayey dalka Soomaaliya 10 kii sano ee la soo dhaafey ma aheyn kuwo dhiiri galin leh, laakiin waa in aynaan quusan oo aynaan dhimin rajada laga qabo nabad iyo dimoqoraaddiyad in ay ugu danbeyn Soomaliya ka dhalato. Dalkii Soomaaliya wuxuu u kala jajabey qaybo badan, iyadoo ay jirto in qaybaha qaar ay xasillooni kooban ay ka jirto ayaa haddana qaybo kale uu qalalaaso ka sii socdaa. Kuwii ka faa’iideystey dowlad la’aanta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kooxo Soomaali ah, ganacsatada qaar, kooxo diinta ku ad adag, iyo saaxiibbadooda shisheeye ayaa dhammaantood ku mashquulsan in ay hor istaagaan si walba oo ay karaanba in Soomaaliya nabad ay ka dhalato. In kastoo dadka Soomaalidu u ooman yihiin nabad, waxay awood u la’a yihiin sidii ay uga fara baxsan lahaayeen kuwa nabadda u diidan (kuwaas soo Itoobiya uguma Horreyso!!!!) kuwaas oo juhdi kasta ku bixiya in aan nabad danbe lagu arag Soomaaliya. In kastoo Beesha Caalamku ay rabto in nabad la keeno Soomaaliya, haddana si buuxda uguma heellana in ay juhdi badan galiyaan si loo gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya. Sidaa darteed, waxay annaga noogu muuqataa in qalalaasaha Soomaaliya ka taagan uu sii socon doono muddo dheer. Sidaa darteed, siyaasaddeenu waa in aysan ku ekaan oo kaliya in aynu wax ku kordhinno nabad ka dhalata Soomaaliya 'e, ee waan in siyaasaddeennu wax ka qabataa wixii aynu ka yeeli laheyn haddii dhibaatada Soomaaliya ay iska sii socoto.
Calankii hore ee Itoobiya
Calanka cusub ee Itoobita
et adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos kamuuqata Calanka Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.
Taariikhda Calanka Soomaalida
Siyaasaddeenna waxaa saldhig u ah sidii looga gun gaari lahaa in la dhaliyo nabadda Soomaaliyao si loo helo Soomaaliya oo nabad ah oo Dimoqoraaddina ah. Laakiin, marka la eego qalalaasaha iska daba dheeraadey ee ka sii socda Soomaaliya, siyaasaddeenu waa in ay ahaato mid lagu yareeynayo in xasillooni darrada Soomaaliya ka jirto u soo gudubto dalkeenna oo dhibaateysa innaga iyo Soomaalidaba iyo weliba gobalka. Haddii la joojin waayo qalalaasaha Soomaaliya, waxa kali ah ee inoo furan waa in aynu iska yareyno dhaawaca iyo dhibaatada arrintaas ka dhalan karto. Marka waxaa jira seddex arrimood oo aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman karo Soomaaliya iyo qalalaasaheeda Siyaasadeed.
Midka hore, waa in aynu isku dayno in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo. Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan Puntland. Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan karta, ayaan ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni, waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex nool. Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan. In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga (madaxda Somaliland ma akhrin hadalkan miyaa? Waa yaab!!!!!!). Sidaa darteed, iskaashiga aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya. Waa in aynu ka dhowranaa in ay noqdaan waddama ka xorooba Soomaaliya inteeda kale. Laakiin, waa in aynu sii wadnaa in aynu caawinno goballadaas sidii ay u sii wadan lahaayeen nabadda iyo xasilloonida maaddama ay taas danteennu ku jirto dannna ay u tahay dadka goballadaas ku nool (ma aragtey sida madaxda labadaas gobal ay had iyo jeer ugu cel celiyaan in ay nabad haystaan? Illeyn Itoobiya ayaa ugu hanjabta in ay nabadda ka qaadeyso haddii ay la midoobaan Soomaalida kale e!!!!).
Midda labaad, waa dhab in ay sii socon doonto in aynu u ballaqnaano khatar inta ay Soomaaliya ka xasileyso oo nabad ka heleyso. Iyadoo marka taas la garawsanayo, ayaa waxaa waajib innagu ahin aynu abuurno awooddii aynu isku difaaci laheyn oo aynu ku fashilin laheyn weerar kasta oo nooga yimaada kooxaha Soomaalida ee diinta ku ad adag, argagixisada, iyo curiyayaalka kale ee nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya. Marka waa in aynu mar kast dhiifoonaan iyo feejignaan aynu muujinno oo diyaar ahaanno weligeen.
Midda saddexaad, waa in aynu la shaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee gobalka Geeska Afrika (kuwan waa dagaal oogayaasha iyo inta daba dhilifka u ah!!) iyo beesha Caalamka (Mareykan, Kenya, Yamen, Yugaandha iwm) si aynu uu wiiqno una jabinno xoogagga ka imaanaya Soomaaliya ee weerarka ku ah dalkeenna (waa kuma xoogaggan!!). Sida cad, xalka dhammaan arrimaha kor ku xusan waa iyadoo ay baahdo dimoqoraaddiyaddu, iyo iyadoo la sameeyo wax kasta oo keenaaya xal la gaaro. Isla markaas, si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahannahay in aynu helno garowga iyo kaalmada dadka Soomaaliyeed iyo taageerada beesha Caalamka si aynu uga hor tango waxa dhib ah ee nah or yaalla. Iyadoo aynu ilaalineyno qodobka ah in aynan faraha la galin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayaa haddana ay tahay in aynu xaqiijinno xaqa aynu u leennahay in aynu ilaashanno nabadda aynu haysanno iyo in aynu is difaacno (bal yaa weerar ku ah?!!!!!!
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 3:18 am
by Shirwac_1
lol can we do that?
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 4:42 am
by Young Royal
I don't think wiping Ethiopia out of the map will help Somalia's case that would only further destabilize the Horn for sure.
As for Ethiopia's policy toward Somalia, if Somalia were in Ethiopia's position I'm sure the Somalis would have adopted the same policy in defending its territorial sovereignty. The Ogaden region is part of Ethiopia; the international community considers it as such and backs the Ethiopians fully, and the sooner we come to terms with this the better for all of us. Somalia will be better off forgetting about Somaliweyn and so will the people in the Ogaden region since they can expect to get the same treatment the Kenyans are giving those in the NFD. If not Ethiopia will continue with its policy toward Somalia and as always Somalis will suffer both in Somalia and the Ogaden region since neither has a united front that can go toe to toe with Ethiopia. Even if the impossible were to happen, you can rest assure the international community reaction will be swift and quick in favor of Ethiopia.
Either way you look at it this Somaliweyn case is unwinnable since the whole world and not just Ethiopia seems to be against us on this, there really isn't a whole lot on the table for us in winning our case, we can either give up or die trying and that is no option. We've already died trying in 1977 and all we've managed was to sentence Somalia to death, lets not keep it in coma any longer and risk losing it forever.
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 5:07 am
by FAH1223
Greater Somalia through military means destroyed Somalia and the Somali people. Fact
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 5:42 am
by sheekh-Farax-zero
Lets wipe ethiopia out of the map.....
co-sing

Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 5:49 am
by AhlulbaytSoldier
Somalis must forget this Greater Somalia desire mythe and start building good relationship with their neightbouring countries.
You cant destroy ethiopia,infact trying to destroy them will have the opposite effect.
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 5:57 am
by sheekh-Farax-zero
HutuKing01 wrote:Somalis must forget this Greater Somalia desire mythe and start building good relationship with their neightbouring countries.
You cant destroy ethiopia,infact trying to destroy them will have the opposite effect.
traitor

Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 6:03 am
by AhlulbaytSoldier
sheekh-Farax-zero wrote:HutuKing01 wrote:Somalis must forget this Greater Somalia desire mythe and start building good relationship with their neightbouring countries.
You cant destroy ethiopia,infact trying to destroy them will have the opposite effect.
traitor

Its not traitor,but a smart move.
You want to keep repeat 77, every war with ethiopia means that all kuffars will again choose their side.
Do you really believe the arabs and persians will come to help us?
Get the fuck out of here.
Building somalia and having good relationship with the neightbouring countries is the only way

Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 6:12 am
by sheekh-Farax-zero
we can't have good relationship with neightbouring Habashi, but it's ok with Bantu's like Kenya.
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 6:57 am
by The Nomad
HutuKing01 wrote:Somalis must forget this Greater Somalia desire mythe and start building good relationship with their neightbouring countries.
You cant destroy ethiopia,infact trying to destroy them will have the opposite effect.
Ethiopia is imploding on itself. We don't need to do anything.
Think for a second. If division tactics worked in Somalia, with us having one religion and one ethnicity, how do you think it'll work out in a heterogeneous Ethiopia? With disenfranchised Oromo, Ogaden, Amhara, Tigre-dominance, Anuak being massacred, etc.
All we need to happen is a famine (I think the UN predicted one soon) to really turn everybody against Meles, and that'll be that. The end of Ethiopia as we know it
We need positive relationships with Eritrea, not Kenya.
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 7:09 am
by Cumar-Labasuul
FAH1223 wrote:Greater Somalia through military means destroyed Somalia and the Somali people. Fact
So true

Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 7:52 am
by FAH1223
I'd be all for Greater Somalia if the gaalos didn't always support their little Christian empire in East Africa but its only a dream through military means... cause the whole world will oppose Somalis in that
There are other ways to have a Greater Somali influence in the region... the first step of which is reconstituting a Somali state
Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 10:31 am
by Dudaaye
We are not afraid of gaalo, how did North Vietnam won against the super power US ?
Insha'Allah, the plan is to Islamasize Ethiopia and tell the muslim Oromo to put their feet on the necks of the defeated Amxaaro/Tigrays.



Re: Lets wipe ethiopia out of the map.....
Posted: Mon Aug 03, 2009 10:33 am
by FAH1223
^as long as you forcibly push Greater Somalia through military means on neighboring countries, the Somali people will continue to be destitute, starved and the LOSERS of a failed dream of one big Somali state
lets face it, the only way there would be a big Somali state today is if the British in the aftermath of WW2 kept the Ogaden and administer all the Somali lands (minus the French area) by themselves
but then South Somalia was UN administered, Haile Selassie got his region back and that would forever divide Somalia