Wasiir ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Waqootiga Gaalkacyo
Arbaco, August 05, 2009(HOL): Wasiirkii Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka) ayaa maanta lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen rag hubeysan.
Wasiirka oo aan wadan wax ilaalo ah ayaa xilliga la tooganayay waxaa uu ka soo baxay maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa geystay sida ay sheegeen dad goob-joogayaal rag hubeysan, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kaddib halkaas isaga tegay.
Wasiirka ayaa muddooyinkan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna halkaas u joogay arrimo ku saabsan nabadeynta Gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay qoyskiisa, mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo weliba asxaabtiisii.
Halka uu ka dhacay dilka Wasiirka ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland, kuwaasi oo sameeyay howlgallo ay ku baadigoobayaan dadkii dilkaas ka dambeeyay.
Dilka Wasiirkii Warfaafinta Puntland ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee loo geysto mas’uul heer wasiir gaarsiisan, inkastoo ay jireen mas’uuliyiin maamulkaas ka tirsanaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay deegaannada Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




