[Wednesday, August 5th, 09] :: Seefta Bannaanka oo lagu dilay Gaalkacyo
Wasiirka Warfaafinta ee maamul Goboleedka Puntland, Warsame Cabdi Shirwac, ayaa goor dhoweyd lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Allaha u naxariistee, Warsame oo ku magac dheeraa Seefta Bannaanka, waxaa toogtay laba nin oo hubeysan ka dibna waa ay baxsadeen.
Waxaa uu magaalada Gaalkacyo u joogay hawl abaabul ah oo isaga oo Wasiirro kale oo gobolka ka tirsani ay u tageen si ay u sii diyaariyaan hawlo ammaanka lagu hagaajinayo oo Madaxweynaha Puntland u tegi lahaa magaaladaas.




