Isniin, August 10, 2009(HOL): Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo badan oo la xariira safarkii uu dhawaan ku tagay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ugu baaqay dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda in ay hubkja dhigaan isla markaana ay u soo jeestaan dhanka wada hadalka si buu yiri loo joojiyo dhiigga Shacabka ee daadanaya maalin waliba.
Shiikh Shariif ayaa intii uu hadlayay waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin rag uu ku sheegay Al Qaacidda kuwaasi oo ajiibay hadalkii Hogaamiyaha Ururka Al Qaacida Osama Bin Laden, kaasi oo ahaa in lala dagaalo Dowladda Soomaaliya.
“Waxaa caddeyn u ah arintaani markii Osama yiri ha lala dagaalo dowladda ninmankaan Shabaab ah waxaa ay ka jawaabeen baaqiisii, waana ay aqbaleen”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Dhanka kale madaxweyanaha ayaa waxa uu sheegay in ballan qaad fiican ay u soo sameeyeen dhamaan Masuuliyiintii uu kul kulmay dalka Kenya oo ay ugu weyneyd Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton.



Foreign minister and Mujahid Indhacadde xafiduhullah having their moment of laugh.
