

XOOGAGA AHLUSUNNA WALJAMAACA OO LAWAREEGAY CEELDHEER?
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta waxaa la wareegeen gacan ka heynta degaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay sugnaayeen khawaarijta isbaheesatay ee Alshar iyo Xizbu shaydaan.
Sida Noo xaqiijiyeen dadaweynaha ku dhaqan degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud waxaa halkaasi isaga Baxay sidii Caadada u ahayd khawaarijtii Daba jeedinjirtay ee Alshar iyo Xizbu shaydaan kadib markii halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Difaaca Xaqa iyo Diinta iyo Burburinta Sharta Ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca habeenimadii Xalay.
Takitaanka Ciidamada mujaahidiinta Ahlu Sunna ayaa dhexxadraynaya deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galagduud Ayadoo ku soo beegantahay xili deganaansho mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka jirtay dhibaatooyin baaxadwayn leh ee lagu la cakaa shacabka islaamka ah ee Reer Ceeldheer Kuwaas oo Udulqaadanwaayay dhibaatada kaga imaanaysa Khawaarijta Isbaheesatay.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Culumada Ahlu Sunna Waljaamaaca oo xariir aan la samaynay ayaa waxaa noo xaqiijiyeen in ay lawagaareen Gacankuhaynta islamarkaana ay ku suganyihiin deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.
Sida kastaba ha ahaatee waxaa soo Ifbaxaya Fashilka Khawaarijta ee ay kala kulmeen gobalada Dhexe ayagoo Bilaabay Beryahaan Danbe in ay iskaga huleelaan meelihii yaraay ee ay kajoogeen deegaanadaas kadib markay kala kulmeen Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hiiraan iyo Galgaduud jab xoogan oo aan Ebed ku dhicin Alaahu akbar .




