Markabkan ayaa ka soo goostey dekad ku taala Magaalada Pietarsaari ee galbeedka Finland waxa uu sidey 6.500 oo ton oo alwaax ama qoryo ah, waxaana uu ku jeeday dalka Aljeeriya ee Waqooyiga Afrika
Markabka ayaa markii u maraayey biyaha dalka Sweden waxaa dusha uga soo baxay 12 nin oo si xoogleh u hubaysan kuwaan oo wejigu u daboolnaa isla markaasna qabey funaanado ay dhabarka uga taalo Boolis, waxayna afduubteen markabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo gaaraya 15 qof.
Xarunta Denbiya Booliska ee dalka Finland ayaa sheegtay in nimanka afduubtey markabka ay dalbadeen madax furasho. Jan Olof Nyholm oo u hadley booliska ayaa cadeeyay in ay doonayaan madaxfurasho waxa uu ka gaabsadey in uu sheego lacagta ay doonayaan iyo waxa ay yihiin nimanka afduubtey, waxa uu sheegay in baaritaankan ay gacanta ku hayaan ilaa 20 dal, waa jirtaa waxyaaba faah faahin ah laakiin ma doonaayo intaas ka badan in aan sheego ayuu yiri Jan Olof Nyholm.
Maalintii shalay ayaa la sheegay in markabka lagu arkey isaga oo maraya biyaha Cape Verde oo ah jasiirado yar yar oo ku yaala galbeedka Afrika.
Boolsiska dalka Malta oo markabkan uu ku socdey calankooda ayaa sheegay in ragan ay yihiin koox maafiyo ah kuwaan oo ku sugan meelo kala gedisan isla markaasna arintan ay tahay mid ay muddo ka soo shaqeeyeen.
Sidey doontaba ha noqotee Burcadbadeeda ayaad moodaa in uu ka soo talaabay meelaha lagu sheego oo u badan Soomaaliya isla markaasna soo gaarey, wadamo boqolaal sano ka hor hawlaha burcad badeednimadu ay ka jireen.



