Yesterday Waceysle & ahlusunnah defeated alshar &xisbul xasuuq, today another subclan of abgaal is making it hard for the anti-peace forces:
Dagaal goordhow ka qarxay Deegaan ka tirsan Degmada Afgooye iyo Xisbul Islaam iyo beel degta deegaankaasi oo uu dagaalkaasi u dhaxeeyo
Mogadishu Sunday 16 August 2009 SMC
Warar goordhow naga soo gaaray deegaan ka tirsan degmada Afgooye oo lagu magacaabo Kabyo ayaa waxaa ka qarxay dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay.
Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo Xisbul Islaam oo iyagu deegaankaasi maamulkooda gacanta ku haya iyo beel degan deegaankaasi, iyadoo dagaalkaasi uu haatan yahay mid la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka bilowday kadib markii la soo dacweeyay Beeshaasi oo ay damceen inay soo kaxeyaan, balse markii ay halkaasi tageen lagala horyimid dagaal.
Dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ka dhashay amar ku taaglayn ay bilaabeen Xisbul Islaam, balse xaqiiqda dagaalkaasi dhalisay lama hayo, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu sababay qasaare baaxad leh oo ka dhashay dagaalkaasi.
Kooxaha halkaasi ku dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay kala yihiin Xisbul islaam iyo dadka deegaankaas oo iyagu ah Beesha lagu magacaabo Abgaal Cusmaan, waxaana la cadeynayaan in maleeshiyaadka Xisbul Islaam uu dagaalkaasi ka soo gaaray qasaare baaxad leh oo sababay ilaa iyo hada dhaawaca ilaa lix ka mid ah iyo dhimashada 2-ruux.
Dhanka kale lama oga qasaaraha dgaalkaasi ka soo gaaray dhinaca dadka deegaanka Kabya ee halkasi degan, iyadoo deegaanka uu dagaalka ka bilowday ay tahay mid ku dhow Beerta Cali Mahdi Maxamed oo Berri Madaxweyne ka soo noqday dalka Soomaaliya.
Waxaa weli soconaayaa dagaalka, iyadoo la sheegayo in maleeshiyaadka Xisbul islaam ay ku qul qulayaan deegaanka uu dagaalku ka soconaayo, waxaana haawinaaya Xarunta Maamulka Degmada Afgooye, iyadoo ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay aadeen deegaanka dirortu ka socoto.
Mid ka mid ah Ciidamada Xisbul Islaam oo maanta rasaas lagu furay ugu Geeriyooday magaalada Afgooye (guji-riix) SMC/Mogadishu/16-August-2009)




