Postby Khalid Ali » Sun Aug 16, 2009 9:32 am
Xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo aqoonsaday dowladnimada Somaliland.
Written by Cabdiqaadir Sanbar
Aug 16, 2009 at 07:06 AM
Kusimaha guud ee XMJS ahna Guddoomiye K/xigeenka Mudane Cali Maxamed Nuux "Timojilic" oo saaka xafiiskiisa Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay ayaa baaq u diray saddex xisbi Qaran ee Somaliland, waxuuna ugu baaqay inay xaalada murugsan ee hardanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya ku xaliyaan wada hadal iyo miiska korkiisa.
Timojilic waxuu sheegay inay Xisbigooda aqoonsan yahay Madax-banaanida iyo Dowladnimada Somaliland isla markaana mar walba ku farxaan Nabadda iyo Horumarka Somaliland gaadhay, balse waxuu ugu baaqay in Kursi la isku qabsado uusan sababin dagaal iyo inay burburto amniga ay ku faanaan xiligaan.
"Dowladnimada, Madax-banaanida Somaliland iyo jiritaankeedaba aad ayaan u aqoonsanahay xisbigeena, waxaana nahay xisbiga kaliya ee Soomaaliyeed ee aqoonsaday madax-banaanida Somaliland, waayo Somaliland waa dad isku tashaday dalkooda ammaan ka dhigtay muddo 18-sanno ah" ayuu yiri Mudane Timojilic.
Kusimaha guud ee XMJS ahna Guddoomiye K/xigeenka Mudane Cali Maxamed Nuux "Timojilic" waxuu sheegay inay ergo usoo dirayaan gudaha Somaliland dhawaan si ay ula hadlaan saddex xisbi una dhexdhexaadiyaan, waxuuna ugu baaqay dowlada Somaliland inaysan awooda kaligeed fara-maquuqsan oo ay wada hadal awooda saarto.
Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ee Madaxweynaha ka yahay Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa ah Xisbiga kaliya ama dowlada kaliya ee Soomaaliyeed ee aqoonsan jiritaanka, dowladnimada iyo horumarka baaxada leh ee ay gaadhay Somaliland 18-sanno ay ka go'need Somalia inteeda kale.
Cabdiqaadir Sanbar
Muqdisho - Soomaaliya