War si qarsoon u soo gaaray Xafiiska Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Is badal horu dhac ah lagu sameeyay Golaha Wasiirada, taasoo qeyb ka mid ah Golaha la isku dhaandheeyay.
Warkan oo aan ka helnay Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ilaa iyo hada waxaa jirin in si rasmi aan loo shaacin, hase ahaatee xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa xilkiisa si rasmi u waayay, halka Xubnaha kala bar lagu isku shaandheeyay.
Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ayaa gebi ahaanba waayay xilkiisa, waxaana loo magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa Agaasimihii Idaacada Quraanka Kariimka.
Sidoo kale is badalada cusub ee saameeyay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, waxaana xubnaha qaar xilalkaas haayay la sheegay in xilal kale loo magacaabay.
Wasiirka Arrimha Dibada ayaa loo magacaabay Cali Axmed Jaamac Jengeli, halka Wasiirkii xilkaas haayay ee Maxamed C/llaahi Oomaar oo laga qaaday loo magacaabay Wasaarada Macdanta iyo Biyaha.Wasiirka Gaashaandhiga ayaa loo magacaabay C/lla Boos halka Wasiirkii xilkaas hayay loo magacaabay Prof Gaandi Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka.
Sidoo kale wajiga cusub ee Golaha Wasiirada ku soo biiray waxaa ka mid ah Wasiirka Lacagta oo loo magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng, Yariisow) oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada.
Ilaa iyo hada si rasmi looma shaacin, hase ahaatee waxaa la cadeeyay in si hoose isku afgarteen Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, kaasoo dhowaan la shaacin doon