alabta ayaa Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa la wareegay Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin kadib markii uu halkaasi dagaal mudo socday uu ka dhacay.
Galabta gabaldhicii ayaa Ciidamo ka tirsan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Waxaa ay dhinaca Koofureed ka soo galeen Magaalada Balad Xaawo oo ay gacanta ku hayeen Ciidamo taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca kuwaasi oo halkaasi dagaal uu ku dhexmaray.
Dagaalka oo ku dhawaad 30-daqiiqo socday ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay labo ruux iyadoo dhaawacna uu jiro inkastoo aan tiradooda la cayimin,waxaana markii uu dagaalkaasi mudo socday guud ahaanba magaalada isaga baxay ciidamadii Culumaa’udiinka Ahlu Sunna kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka Waqooyi ee magaalada.
Dagaalka dhexmaray Ciidamada Xarakada Mujaahiidiinta Al Shabaab iyo Ciidamada Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo ay ku jireen madaafiic si daran magaalada loogu garaacay.
Ciidamada dhaq dhaqaaqa Mujaahdiinta Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay magaalada isku faafiyeen,waxaana haatan Magaaladaasi ka jirta Cabsi iyadoo durbaba ay dadku ka xaroodeen gudaha Magaalada islamarkaana ay alaabada isku dhifteen inta badan goobahooda ganacsi.
Majiro ilaa iyo hadda Masuul ka tirsan Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo ka hadlay dib ugu soo laabashada Ciidamadooda degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo,iyadoo sidoo kalana aanay jirin cid ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo ka hadashay arintaani.
And from Hiiraan:
Arbaco, August 19, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ay Degmadaas dib ula wareegeen Xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogagga labada dhinac ay iskala baxeen Degmada Beled Xaawo, isla markaana ay isla aadeen dhinaca Doolow, halkaasi oo la rumeysan yahay in ay markii hore ka soo tageen Xoogagga Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ciidamo ka amar qaata Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa Degmadaas ku sugnaa labadii maalmood ee aanu ka soo gudubnay, iyagoo kala wareegay gacan ku heynta magaalada xoogagga haatan dib u qabsaday.
Xoogagga Ahlu Sunna ayaa markii ay la wareegeen Degmada Beled Xaawo waxa ay demada ku soo rogeen bandow habeen ah, kaasi oo ay mas'uuliyiinta Ahlu Sunna ku sheegeen mid lagu sugayo ammaanka.
Dib ula wareegidda Beled Xaawo ee Xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xalay ay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.




