Posted: 8/22/2009 8:02:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Dagaalo aad u xoogan iyo duqaymo culus ayaa goordhow waxa ay ka dhaceen degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir.
Dagaalo xoogan iyo madaafiic isbar barsocda ayaa caawa Maqribkii waxaa ay ka dhaceen Isgoyska Dabka iyo qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag iyadoo dagaaladaasi ay saamayn xoogan ku yeesheen dadka deegaanka.
Madaafiic aad u farabadan ayaa sida roobkii oo kale waxa ay ugu soo dhacayaan nawaaxiga iyo gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxaa uu yahay mid soconaya waxaana uu u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Lama oga ilaa iyo hadda qasaraaha ka dhashay dagaalka iminka soconaya maadama xilligu uu yahay mid habeen ah.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net hadii ilaah inoo saamaxo.
Some people call for peace ,others call for violence and extreme violence during the ramadan.





