Sarkaal ka tirsan ciidanka canshuuraha maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo nin rayid ah u dilay labo Kun (2,000 Shso) awgeed
Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka canshuur ururinta maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta toogasho ku dilay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee fadhiya suuqa magaaladaasi sida dad goob joogayaal ahi sheegeen
Dilkan ninkan ganacsadaha ah ayaa la sheegay inuu yimid ka gadaal markii weydiiyey lacag dhan 200 shso (labo Kun shso) oo ah lacagaha canshuuraha ee laga qaadi jiray maalin walba, hase ahaatee ninkaasi ganacsadaha ayaa ka codsaday sarkaalka inuu u soo jiireeyo isagoo ku cudurdaartay in waxba aysan weli u gadmin, lacagna uusan weli heynin.
Hase ahaatee ninkaasi ka tirsanaa ciidamada canshuur ururinta maamulka Puntland ayaa arintaasi ka biyo diiday, lana soo baxay bastoolad uu watay isagoo ka dibna rasaas ilaa dhowr xabadood ah madaxa iyo qeybo kale oo jirkiisa ka mid ah kaga dhuftay ninkaasi oo geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka magaalada gaalkacyo oo ay ula cararean qaar ka mid ahaa dadkii ku sugnaa suuqa.
Sarkaalka geystay falkaasi dilka ah ayaa lagu soo waramayaa inuu goobta ka baxsaday, iyadoo falkaasina ay si aad ah uga xumaadeen dadkii ku sugnaa suuqaasi oo aad uga argagaxay in qof muslim ah loo dilo lacag gaareysa labo kun shso ah xili lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxayna ka dalbadeen in la soo qabto sarkaalkaasi lana mariyo ciqaabta uu mudan yahay waxaana ninka maanta la dilay la sheegay inuu ka soo jeeday gobolada Bay Bakool.




