Page 1 of 1

Ethiopians heading for Buulo Burde

Posted: Mon Aug 31, 2009 5:08 am
by Kanada
Ciidamo Ethiopian labo jiho ugu soo kala dhaqaaqay Buulo Burde

Ciidamo Ethiopian ah oo xalay faarujiyay qeybo ka mid ah magaalada Beled weyn ayaa labo jiho ugu soo kala dhaqaaqay Magaalada Buulo Burde oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta.

Ciidamadan Ethiopianka oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka iyo gawaarida Uralka ayaa ka baxay Galbeedka magaalada, waxaana ay u dhaqaaqeen Deegmaanka Buq Aqable.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay si toos ugu wajahan yihiin Buulo Burde, iyadoo qorshaha yahay sidii ay xoog uga saari lahaayeen Xoogaga Islaamiyiinta.

Magaalada Beled weyn ayaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana qorshahan uu xoogisa yahay sidii Maamulka Dowladda ee Gobolka Hiiraan gacan loogu siin lahaa la wareegida Gobolka oo dhan.

Ciidamada Ethiopianka ayaa qeyb ka mid ah wali ku sugan Magaalada, kuwaasoo sida muuqata xoojinaya ammaanka, waxaana la dareemayaa dhiilo colaadeed oo ka jira deegaanada Gobolka
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=1084