Goobaanle oo lagu wareejiyey Isbaarada Ex-Kontarool Afgooye,
Iyo Maleeshiyaadka C/Qeybdiid oo Arrintaas ka gadooday meel u dhawna Isbaaro kale dhigtay.
War Deg-Deg ah:- Muqdisho,Isniin,31, Aug,2009 (Hillaac.Net) Maleshiyaad uu Madax u yahay Ninka lagu magacaabo Goobaanle oo loo bixiyey Magaca Daraawiishta ayaa Abaal marin looga dhigay in lagu wareejiyey Isbaaradii tiillay Ex-Kontarool Afgooye oo Baabuurta Lacagaha Baadda ah looga qaadi jiray, Maadaama Maleshiyaadkaasi ay aad uga qeybqaateen Dagaallada Muqdisho ku dhex maraya Ciidamada AMISOM iyo Taageerayaasha Sharifka oo isku dhinac ah iyo Kooxaha Islaamiyinta oo dhinaca kale ah, Waxana Arintaas aad uga Carooday Maleeshiyaadkii horay ugu sugnaa halkaas oo hoos tagay C/Qeybdid, Iyagoo Isbaaro kale dhigtay Meel aan sidaa uga fogeyn Barta laga wareejiyey ee looga qaaday Maleeshiyaadka Goobaanle.
Warar haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in Rasaas Teel-teel ah laga maqlayo Ex-Koontarool Afgooye oo ay ku sugan yihin Maleeshiyaadka Goobaanle lamana oga Rasaastaas cida isku rideysa.
Xaaladda Ex-Koontarool Afgooye ayaa haatan kacsan Waxana Saacad kasta laga fili karaa in uu Dagaal halkaas ku dhex maro Maleeshiyaadka kala taageersan C/Qeybdiid oo haatan gadoodsan iyo kuwa Gobaanle ee Abaalmarinta looga dhigay Isbaarada Ex-Koontarool Afgooye






