His favorite Hutu(Ahmed Abdisalam) is running for the head of Ahlu Sunnah Wal Jamaacah. Just perfect. Scandalous mix between Siyaasad and religion at its finest
Siyaasiga Axmed C/salaam oo dawladii madaxweyne Yuusuf soo ahaa Ra'isal wasaara ku xigeen ahaana wasiirka warfaafinta ayaa lagu soo waramayaa in uu olole xoogan ugu jiro ka qeybgalka siyaasadaha cusub ee ay la soo baxeen xoogaga Ahlusunah oo u muuqda awood siyaasadeed iyo mid ciidan oo soo koray masraxa .
Axmed C/salaam ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu gaaro deegaano ka mid ah gobolada dhexe gaar ahaan degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, koonfurta Mudug iyo kuwo kale oo dhamaantood ay gacanta ku hayaan xoogaga Ahlusunah.
Tagitaankiisa deeganadaas ayaa loo sababeeyey in uu gali rabo olole siyaasadeed oo uu ugu biiro Ahlusunah maadama ay fursad siyaasadeed heystaan mustaqbalka .
Ilo wareed ku dhaw dhaw Axmed C/salaam ayaa u sheegay AllPuntland in safarkiisa uu wargaliyey saraakisha Ahlusunah ee G/Dhexe ,waxaana uu ugu micneeyey safar ku aadan indhaindhayn maadama uu ka soo jeedo deeganadaas.
Dhinaca kale wararka aan ka heleyno saraakisha Ahlusunah ayaa tibaaxaya in ay aad uga feejiganyihiin socdaalka siyaasadeed ee Axmed C/salaam .
Ahlusunah oo u muuqda xoog cusub oo ku soo kordhay siyaasada Soomaliya waxaa durba ay bilaabeen siyaasiyiin daneysa siyaasada in ay isku milaan si hadii awood qeybsiga dalka ay wax ka helaan ula qeybsadaan.