
UAE: Somaliland waxay la mid tahay Puntland " Sh. Shariif Sh. Axmed "
Posted to the Web Sep 05, 05:21
UAE: (pp)- Madaxweynaha DFKS Sheekh Shariif sh. Axmed oo waraysi siiyey Tv laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka soomaaliland uu la mid yahay kan Puntland oo kale.
Madaxweynaha ayaa iska diiday inuu raali ka yahay in Maamulka somaliland uu ka go' Soomaaliya inteeda Kale , wuxuuna sheegay inuusan aqbali karin Soomaaliya kala go'eeda.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyey in Puntland iyo Somaliland ay labada yihiin Laba maamul oo Soomaaliya ka jira , isagoo sheegay in Maamulka Puntland uu taageersan yahay dowladiisa ayna ka dhaxayso wada-shaqayn aad u weyn.
Si gaara ayuu shariifku ugu faanay in Maamulka Puntland iyo shacabkeedaba ay taageersan yihiin isaga iyo dowladiisa, wuxuuna ku celceliyey Madaxweynaha DFKS in dad ka soo jeeda Somaliland ay ka buuxaan Baarlamaanka iyo dowladaba , kuwaas oo matala Maamulka Somaliland.
Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa mid ka mid ah Kooxaha mucaaradka ah ee somalinad , isagoo ku sugan Magaalada Nairobi uu sheegay inay la kulmayaan Madaxweyne Shariif , maadaama uusan ka soo horjeedin madax-banaanida Soomaaliland, Waxaase hadalka Madaxweyne Shariif oo sida Dab oo kale uu ku yahay ururada iyo Kooxaha qaba in Soomaaliland ay helayso madaxbanaani gooni u goosad ah.
Dhanka kale Madaxweyne sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladiisu ay ku mashquulsan tahay sidii Maamul goboleedyo lagu dhisi lahaa soomaaliya inteeda kale , arrinkaasna uu ku mashquulsan yahay Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.
Mar uu ka hadlayey arrimaha iyo dagaalada ka socda Soomaaliya ayuu ku sheegay inay dagaalaadaas ay wadaan kooxo aan doonayn in Soomaaliya ay hesho degenaansho, ayna kuwaas kula jiraan dagaal adag ilaa ay ka guulaystaan.
Hadalka ka soo baxay Madaxweyne shariif ee ku saabsan in Soomaaliya inteeda kale loo shisayo maamul goboleedyo ayaa imaanaya Waqti inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Kooxo Diimeedyo kala duwan , kuwaas oo Bilihii la soo dhaafay dhowr goobood uga guulaystay Kooxo taageera Siyaasada Dowlada oo ay isku bahaysteen qabqablayaal dagaal iyo kooxo kale oo sheegtay ehlu-sunna waljamaaca.
Daabacada: Puntlandpost.com
Source:http://www.puntlandp ost.com/newspage.php ?articleid=8520




