London: Caasimadaha Aduunka maalmahan ugu danbeeyey waxa ka socday olole weyn oo la rabo sidii looga hortagi lahaa budhcad badeeda iyo sidii loola dagaalami ahaaba, ha noqoto dhinac Milateri, dhaqaale iyo xarumo la dhisoba, waxaana ka dhacay heshiisyo badan oo laysku afgartay.
New york declaration wuxuu ahaa mid ay wada saxiixeen US,UK,Cyprus, Panama,heshiiskan waxa la saxiixay Maalintii Arbacda sep 9 wuxuuna ahaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Budhcad badeeda
Japan ayaa sidoo kale ugu deeqay 14 Milyan sidii looga samayn lahaa saldhigyo iyo xarumo lagula dagaalamo budhcad badeeda Wadamada Jabuuti,Kenya iyo Itoobiya.
Waxa kale oo heshiis lagu galay dhawaan Magaalada Jabuuti kaas oo lid ku ahaa heshiis ay wada gaareen Dawlada Soomaaliya ee KMG ah oo uu hogaaminayey Raisawasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo Mdaxweynaha dawlada Puntland DR Cabdiraxmaan faroole ,kaas oo oranaayey in Xarun ama Saldhig lagula dagaalamo budhcad badeeda laga dhiso Degaanada Puntland halkaas oo lagu maal gelin lahaa lacagyo badan oo gaaraya dhowr boqol oo Milyan oo ay bixin lahaayeen deeq bixiyaasha xiiseeya la dagaalanka Budhcad badeeda, laguna abuuri lahaa shaqaale badan oo ka tirsan Degaanda puntland.
Heshiiskii Jabuuti waxa hogaaminayey Madaxweynaha KMG Sheekh shariif iyo Wasiirka aan qarsan nacaybka uu u hayo Puntland oo aan xili aan fogayn sheegay in Budhcad badeeda iyo Maamulka puntlnad ay leeyihiin xiriir dhow, waa wasiirka kaluumaysiga ahna Raisa Wasaare ku xegeen, Cabdiraxman Adan Ibbi ayaa sheegay dhawaan, in Xaruntii Budcad badeeda oo laga dhisi lahaa Degaanada Puntland ayna kala saxiixdeen Dawlada KMG iyo Puntland, loo bedelay Wadanka Jabuuti ka dib markuu Madaxweynha Wadankaa uu ka codsaday in jabuuti noqoto meesha laga dhisayo xaruntaas, lacagta badan ku baxayso lagana shaqaalaysiinayo shaqaalaha badan
Wasiirka Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Dirta, Dad badan ayaa is waydiinaya heshiiskan uu la galay Dhiigiisa Jabuuti Geele sida uu u noqon karo mid Xalaal ah.



