
Mogadishu: Sharif Xasan stole & is stealing funds donated to Somalia
" Lacagihii dawladda oo dhan Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa si gaar ah u isticmaalaya" Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.13. september 2009
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland )- Xildhibaanada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shalay ku qabsaday magaalada Muqdisho shir Jaraa'id ayaa cambaareyn iyo dhaliila dusha kaga tuuray Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden, taasoo ku aadan halka uu galiyo dhaqaalaha usoo xarooda dawladda Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa ku sheegay Shariif Xasan in uu lacagahaasi u isticmaalo si khaas ah, isla markaasna uu ku shubto Bankiyada Soomaalida iyo kuwa aduunka, ayagoo ugu baaqay Madaxda dawladda Soomaaliya in ay eegaan xaaladaha ay soo jeedinayaan Xildhibaanadu.
Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Wasaarada maaliyada loo dhiibay, markii lasoo dhisay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, luguna unkay magaalada Jabuuti, wixii ka dambeeyey xiligasi waxaa la xaqiijiyey in aysan jirin wax lacag ah oo ay heleen dadka ushaqeeya dawladda Soomaaliya.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay arkaan talaabo laga qaadayo Shariif Xasan Sheekh Aaden, oo ay sheegeen in uu gaar u lunsaday hantidii dawladda Faderaalka KMG ah, isla markaasna uu mudan yahay in ay la xisaabtamaan Madaxda dawladda iyo Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Arrintan waxaa shakifay markii ay shalay weerar ku qaadeen ciidamo ka careysan mushaar la'aan, xarunta Madaxtooyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taasoo waji gabax ku noqotey dawladda Soomaaliya oo malaayiin Doolar ka hesha dalalka Caalamka.
DF dhaqaalihii ugu xooga badnaa ayaa soo galay Bilihii ugu dambeeey, waxaana aan la garan karin halka la geeyey dhaqaalahaasi oo ay dad badan hada is weydiinayaan, Lacag loogu talagalay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo howlgalintooda ayaan la garan karin halka ay ka baxday, ayadoo goor horeba gashay isku tuur-tuur Madaxda dawladda Soomaaliya dhexdooda ah.
F. C. Maxamed
AllPuntland






