WAR DEG-DEG AH: Sarkaal ka tirsan Ururka Al-qaacida oo ku dhintay duqeyn kadhacay degmada Baraawe.
[2009-09-14 14:52:09] Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-qaacida ayaa lagu dilay duqeyn goordhow kadhacay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.
Saalax Cali Nabhan oo ururka Al-qaacida wakiil uga ahaa Somalia ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay duqeyn ay diyaarado dagaal ka gaysteen degmada Baraawe.
Meydka Saalax Cali Nabhaan ayaa wararku sheegayaan inay horay u qaateen ciidamo Mareykan ah oo la socday diyaaradaha duqeeyey degmada Baraawe.
Ururka Al-shabaab ayaa lagu wadaa inuu war ka soo saaro dilka Saalax Cali Nabhaan Wakiilka ururka Al-qaacida ee Somalia.
Wixii soo kordha wararka Allwariye Online Media kala soco insha'alaah.
Allwariye.com xafiiska wararka Muqdisho Somalia.




