WAR DEG DEG: Diyaarado dagaal oo goor dhow weeraray Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay goor dhow weerar duqeyn ah u geysteen Gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo marayay Degmada Baraawe.
Diyaaradahan ayaa lagu sheegayay inay ahaayeen Nuuca Helicopter-ka oo ka soo kacay Markab fadhiya Xeebta Degmada Baraawe, waxayna si toos u bartilmaameedsatay gaariga.
Lama oga saraakiisha saarnaa gaariga, waxaana jira waxyeelooyin gaaray oo ka dhashay duqeynta.
Ilaa iyo hada ma jirto warar faah faahsan oo ka soo baxay weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan,waxaana xaalada degmada Baraawe tahay mid aad u kacsan
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com



