Mudane C/raxman Cirro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Dayaca ka muuqda Garoonka Kubada Kolayga ee Timacadde, oo uu tilmaamay In uu Dunsanyahay Qayb ka mid ah Garoonka Daawo Sawirada
Hargeisa (GNS) Munaasabad Balaadhan oo la sameeyay Xafladii Xidhitaanka kubada kolayge Bisha Ramadaan ee Garoonka Timacadde oo sanadkan Loogu Magacday Mujaahid Gacmo dheere ayaa Xalay Lagu Qabtay Garoonka Timacadde ee magalada hargeisa.


Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada kolayga, Kooxa Ciyaaraha kubada Kolayga, Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya iyo Marti sharaf kale oo aad utiro badan.

Xafladaasi oo lagu gudoonsiinayay Abaal marino iyo Koobkii Bisha Ramadaan ee Kubada kolayga ee ka socday Garoonka Timacadde ayaa waxaa Xalay si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay Ciyaartii Final-ka oo ay kuwada ciyaareen labada kooxood ee Soomar iyo Telesom , kuwaasi oo soo bandhigay Ciyaar aad uxiiso badan oo soo jiidatay Dadkii Daawanayay, Gabogabadii ciyaartaasi oo ay ku guulaysteen Kooxda ku ciyaarta magaca Soomar Trading Company oo kaga Adkaaday 48 dhibicood kooxda la tartamaysay ee ku ciyaarta Magaca Shirkada Telesom oo iyaga keensaday 42 Dhibicood , halkaana Guushu ku raacday Naadiga Soomar Trading Co.

Xidhitaankii Xafladaasi oo uu Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Dhalinyaradii ka qayb gashay tartankaasi ay Xalay xafladii xidhitaankiisa ka soo qayb galeen iyo Wasaarada ciyaaraha ee Soo Agaasintay Qabsoomida Koobkan.

Mudane C/raxman Cirro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Dayaca ka muuqda Garoonka Kubada Kolayga ee Timacadde, oo uu tilmaamay In uu Dunsanyahay Qayb ka mid ah Garoonka isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi

“ Waxaanu aad uga Xunahay Dayaca ka muuqda Garoonka, waxaana hortayada ka muuqda inuu Garoonku dunsanyahay, Shirkaddo waawayn ayaa halka ku qoran Gidaarada, Daawadayaal badan ayaa jooga waxaanu jecelnahay inaynu dhamaanteen ka qayb qaadano, Golaha wakiilada iyo xildhibaanadiisu waxaanu jecelnahay inay qayb ka qaataan Dayactirka Garoonka



































