Xubin ka tirsanaa Odayaasha Hawiye Garabka Xasan Xaad oo Muqdisho lagu dilay
Xubin ka tirsanaa Odayaasha Beelaha Hawiye, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Gudoomiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shalay Kooxo Hubeysan ku qaarijiyeen gudaha Suuqa Bakaaraha.
C/llaahi Carab oo ahaa Xoghayihii guud ee Odayaasha Hawiye ayaa shalay gelinkii niman bastoolado ku hubeysan ku dileen Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay durba goobta ka baxsadeen.
Gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaas lagu qaarijiyay Xoghayaha Guud ee Odayaasha, isagoo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.
Xasan Xaad ayaa sheegay in ninkaas ka tirsanaa Golahooda Odayaasha si ula kac ah loogu dilay Suuqa Bakaaraha, isla markaana markii hore ay u maleynayeen in uu ku dhintay Duqeyntii ka socotay magaalada.
Si kastaba ha ahaatee dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Xubin ka tirsan Odayaasha Hawiye Garabka Maxamed Xasan Xaad
AUN,may Allah place him under the martyrs.



