Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hor hadlayay Madasha kulanka Madaxda Wadamada Caalamka ay isugu imaadeen galabta ayaa waxa uu ka codsaday guud ahaan Wadamada Caalamka in la taageero dowladda KMG Soomaaliya si ay u hanato dib u soo celinta nabada iyo hormarka dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale Madaxda waxa uu ka codsaday in laga taageero dhinaca dhaqaalaha iyo waliba dib u soo Celinta xaga nabada iyadoona ay tahay kulankan mid ay isugu imaanayaan Madaxda Wadamada Caalamka oo looga hadlayo guud ahaan dhibaatooyinka dhinaca Siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ka taagan Caalamka.
Waa markii ugu horaysay oo mudo 45-sano kadib uu Madaxweyne Soomaaliyeed ka hor hadlo Xarunta golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada New york ee dalka Maraykanka.
http://www.shabelle.net/



