The ironic is that they will support axmed madoobe simply because he is one of the key leaders of hisbull xasuuq and is closely allied with terrorist turki.
http://www.soomaalinews.com/warkii/view ... leid=14417
War deg deg ah: Ururka xisbul Islaam oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray afhayeenka maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ee magaalada Kismaayo.
Madaxa warfaafinta ee ururka xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magalada Muqdisho ayaa ka jawaabay hadalkii saaka ka soo yeeray afhayeenka maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ee ahaa iney dagaal la geli doonaan wax uu ugu yeeray kooxo magac beeleed wata oo sida uu sheegay ku soo duulay magaalada Kismaayo doonayaa iney xasilooni daro ka abuuraan halkaasi.
Sheekh Maxamed Macalin ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalka uu iclaamiyey afhayeenka maamulka Kismaayo ee Mujaahidiinta la isaga horjeenayo xili buu yiri ay dalka joogaan cadow u baahan in umada islaamka ah laga qabto oo shacabkiina uu xasuuq ku hayo wuxuuna intaa ku daray in Axmed Madoobe iyo ciidamadiisa ku sugan magaalada Kismaayo ay ka tirsan yihiin ururka Xisbul Islaam, weerarkii lagu soo qaadana uu yahay mid lagu soo qaadau xisbul Islaam.
“Hadaan nahay xisbul Islaam waxaan u dirnay masuuliyin badan magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan wacyi gelinta iyo xalinta khilaafaadka soo kala galay walaalaha halkaasi ku wada sugan, waxaana la filayaa in sidii ay weli ku soo socoto arintaas, hase ahaatee waxaana la yaab leh hadal uu saaka ku iclaamiyey dagaal madaxa warfaafinta ee maamulka kismaayo waa arin aan loo baahneyn xiligan uu cadowgii uu weli xasuuq ku hayo umadii Soomaaliyed waxaana cadeynayaa in Axmed Madoobe iyo ciidamadiisa ay ka tirsan yihiin Xisbul islaam haddii dagaal lagu qaadana lagu soo qaaday dagaalkaas xisbul Islaam” ayuu intaa ku daray isagoo ugu baaqay maamulka magaalada kismaayo iney ka laabtan go’aankaas isla markaana miiska wadahadalka yimaadaan si loo badbaadiyo dhiiga Mujaahidiinta.




