Posted: 10/2/2009 9:48:00 PM
Shabelle: BALADWAYNE
Mas’uul ka tirsan Uruka Xisbul Islaam ayaa Caawa fiidkii waxaa lagu dilay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Sheekh Aadan C/salaan Cabdi oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Magaalada Baladweyne ayaa Caawa fiidkii Kooxo hubaysan waxa ay ku toogteen Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Xiriiro ay Shabelle la samaysay Mas’uuliyiinta ugu sarsaraysa Ururka Xisbul Islaam ee gobolkaasi si ay wax uga ogaato dilka Mas’uulkaasi ayaysan inoo suuro galin in aynu qadka taleefoonka ku haleelno.
Dilkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin uun kadib markii Ciidamada Xisbul Islaam ay si toos ah ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmo ku sugnaayeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Sheekh Aadan C/salaan ayaa waxa uu ahaa Madaxa wacyi galinta iyo arimaha bulshada ee Maamulkii dowladda ee Magaalada Baladweyne isagoo markii danbana ka mid noqday Mas’uuliyiintii gobolkaasi gudoomiyaha gobolaasi ku raacday ku biirista Ururka Xisbul Islaam.
Ugaarsi has just started.
Imaa Shaariif,wa imaa shabaab wa imaa shacab.




