Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa duulaan ku qaaday fariimo ay ku sugnaayeen ciidamadii Xisbul Islaam ee Kismaayo laga saaray, meesha lagu magacaabo Buulo Guduud.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka la'isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada meesha weeraray ayaa Kismaayo ka dhaqaaqay gabal dhicii, wuxuuna imanayaa maalin kadib markii Shabaabku aydagaal kula wareegeen Kismaayo, kana saareen ciidamadii iyo mas'uuliyiintii Xisbul Islaam.
Xogaha aan heeyno ayaa tibaaxa in shir albaabada u xiran oo illaa caawo ay u fadhiyeen mas'uulyintii Kismaayo laga saaray ee Xisbul Islaam ay kasoo baxeen go'aano la filayo in barito saxaafada loo aqriyo kuwaasoo ku aadan sidii laga yeeli lahaa arrinta Kismaayo.
Wallow la filayay in wadahadal ay ku baaqaan hadana waxaa muuqata in aanan loo kaadinin oo looga dabatagayo meel kasta oo ay cagta saaraan.
KismaayoNews waxay fahamsantahay in ciidamada Shabaab ee Kismaayo ku sugan ey intooda badan difaac ka hayaan Kismaayo ka sokow ciidamada ay u dirreen buulo guduud, sababtoo ah waxaa la filanayaa in magaalada laga soo weerari karo dhan kasta
_______________________________________________________________________________________________________________________________
War deg deg ah:Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ka qarxay Wax yar ka Hor Tuulada buulagaduud oo dhowr kiilo mitir u Jirta Magaalada Kismaayo
Dagaal culus ayaa ka Qarxay Wax yar ka Hor Tuulada Buulagaduud oo Dhowr Kiilo Mitir u jirto Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose kaasoo dhexmaraya ciidamo kala taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo xoogaga xisbul Islaam ee halkaasi ku wada sugan oo mudooyinkanba ay u dhexeeyeen khilaafaad soo jiitamayey iyo xiisado ka dhashay maamul u sameynta Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubooyinka.
Dagaalka ayaa waxaa soo Qaaday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Waxyna ku soo Qaadeen Ciidamada Xisbul Islaam oo fadhiya Afka Hore Tuulada Buulagaduud oo wax yar U jirta Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.
Dagaalkan oo ahaa mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan oo ay ku jiraan madaafiic culus oo la isku adeegsanayo ayaa markii hore ka bilowday afka Hore ee Tuulada Buula gaduud ka dibna wuxuu uu ku sii fiday inta badan Tulada oo haatan laga maqlayo dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda
Lama Hayo Qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray Labada ciidan ee Dagaalku ka dhaxeeyo Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco boggan insha Allaah saacadaha soo socda.
Dayniile.com



