Postby The_Emperior5 » Mon Oct 05, 2009 8:40 am
Dagaalkii Kismayo oo ku fidey deganada Jubooyinka
5 Oct 5, 2009 - 5:14:04 AM
Ugu yaraan 17-qof ayaa ku dhintay 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay iyo saakey [Oct 05] ku dhexmaray deegaanka Janay-cabdala oo 50-km galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeyay ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen ciidankii Xisbul Islam ee laga saaray Kismayo.
"Isbitaalka Kismaayo waxaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyo badan oo dagaaladii maanta iyo xalay ka dhashay", sidaa waxaa saxaafada u sheegay Sh. Xasan Yacquub oo dhanka warfaafinta u qaabilsan maamulka loo sameeyay Jubada Hoose.
"Dagaaladii maanta iyo xalay dhacay waxay ahaayeen kuwo aad u adag, dhib ayaana labada dhinac kala gaaray" ayuu ku gaabsaday Sh. Xasan Yacquub oo diiday inuu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Dhaawacyadii dagaalka ayaa qaarkood la gaarsiiyay isla xalay degmada Kismaayo halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo dhawacyo kale la sheegay in loo qaaday Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.
Saakey 5 Oct,2009 ayaa dagaal kale dib uga qarxey degaanka Janaay Cabdalla, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan In dib loo riixey xogaga Al-Shabaab, warar hoose ayaa xusaya dhinaca kale in ciidanka gacanta ku haya Kismayo sideed maxaabiis ah laga qabtey halka labo Teknika ah laga gubey laba kalena laga qabsadey.
Afhayeenka ururka Al-shabaab ayaan diidin, sidoo kalena aan ogolaan in dagaaladii dhacay looga qabsaday maxaabiis sida ay sheegeen saraakiisha Xisbul Islam, blse wuxuu ku gaabsaday in dagaaladii dhacay ay ahaayeen kuwo xoogan.
Al-Shabaab ayaa horey dagaalkii Kismayo gudaheda ka dhacey ku qabtey Maxabiis ka tirsan xusbul Islaam dhowaana ku baaqey in dhaawacyada ururka Xisbul Islaam oo gudaha magaalada jooga la keeno Isbitaalka Kismayo.
Sh. Axmed Madoobe oo hogaaminaya Xisbul Islam ee dagaalka kula galay Kismaayo ururka Al-shabaab ayaa sheegay in qorshishiisa uu yahay inuu dib ugu laabto Magaalada dekeda leh ee Kismaayo.
Janay-cabdala oo ah deegaankii ay Xisbul Islam iyo Al-shabaab sida aadka ugu dagaalameen ayaa la sheegay inay gacanta ugu jirto Sh. Axmed Madoobe, iyadoo deegaankaas ay ka barokaceen dhamaan dadkii rayidka ahaa.
Dagaaladan ayaa dhacaya xilli ay socdaan wadahadalo hoose oo u dhexeya madaxda Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab duleedka magaalada Muqdisho.
Dagaalada ka socdey Muqdisho ayaa hoos u dhacey kaas oo lagu xiriirinayo kala jabka ku dhacey xogagag mucaaradka ku ah dowladda Fedraalka iyo ciidamada AMISOM.
Garowe Online