Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xassan qaxaaye calls for ceasefire & defends axmed madoobe

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Xassan qaxaaye calls for ceasefire & defends axmed madoobe

Postby AhlulbaytSoldier » Tue Oct 06, 2009 8:01 am

Sheekh Xasan Dahir "Hadaan la kala roonaan roob ma da'o Walaalaheen Shabaab waxaa ka codsanaynaa inay Xabada naga joojiyaan"

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Xarakada Alshabaab iyo Xisbiga uu hogaamiyo isagoo si rasmi u cadeeyay mowqifkiisa ku wajahan dagaalada Kismaayo.

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si aad ah uga calaan calay dagaalka ay Ururkiisa ku hayaan Alshabaab, kadib dagaaladii min Kismaayo ilaa deegaanada galbeedka sida safka loogu soo qaaday Saraakiishiisa Xisbigiisa.

"Hadaan lakala roonan Roob ma da'o walalaaheen shabaab waxaa ka codsaneynaa inay xabada naga joojiyaan"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hadaladiisa u muuqday kuwo dadka u fasirteen inuu gacan ku gambasho yahay.

Col. Aweys ayaa dalbaday in la gaaro xabad joojin iyo inay heshiiyaan, isagoo soo qaatay kulan dhex maray isaga iyo Saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshabaab uu ahaa mid aan wax heshiis lagu gaarin, natiijo la'aana ku dhamaaday, taasoo sida uu sheegay ay keentay inuu isaga la hadlo Warbaahinta.

Mar wax laga weydiiyay sida Shabaab ku andacooneyso oo ah in aanay dagaal kula jirin Xisbul Islaam ay tahay waxa ay la dagaalameyso Axmed Madoobe ayuu si cad u sheegay in Axmed Madoobe ka tirsan yahay Xisbul Islaam.

"Axmed Madoobe waa mujaahidin ka tirsan Xisbul Islaam, waana Mas'uuliyiinta sar sare, sidaas darteed dagaalka hala joojiyo baan ku baaqayaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ka digay sii socoshada dagaalka Islaamiyiinta,isagoo sheegay inay ay tahay Fidno oo aan diin ku dhisneyn.

Sheekh Xasan Dahir oo saldhig ka dhigtay deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay kadib markii ay cirka isku shareertay khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Shabaab oo doonaya inay ka taqalusaan Xisbul Islaam.

Dagaalada u dhaxeeya labadan urur diimeed ayaa ka soo bilowday markii ay isku qabteen Maamulkii Kismaayo, waxaana labada dhinac dagaalkooda yahay mid ku fida kara deegaanada ay ka arimiyaan labadaba, iyadoo ay muuqato xod xodasho dhinaca Maamulka iyo talooyinka gobolada dalka.


Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 61 guests