They say everything to get more readers:
Kampala:War deg deg ah :Exculisive AllPuntland Yuusuf Indhacade oo lagu afduubtay magaalada Kampala
6. oktober 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Kampala(AllPuntland)Warar goor dhaw ay ka heshay shabakada wararka AllPuntland magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in kooxo bistoolado wataa ay ka afduubteen xaafada Kizenyo ee magaalada Kampala wasiiru dawlaha gaashandhiga Soomaliya Yuusuf Indhacade oo maalamahan safar ku joogay magaaladaas.
Yuusuf Indhacade waxaa afduubtay rag madow ah oo u dhashay dalka Uganda waxaana ay labisnaayeen dhar cad , waxaa lagu horgeeyey gaari uu watay oo nuucyada yar yar ah gaari kale kadibna waxaa lagu hansaab gareeyey laba bistoolo oo ay kooxahaa wateen.
Xaalada ayaa aad u kacsan , waxaana hadal heynta Kampala ah caawa afduubka Yuusuf Indfhacade.
Indhacade waxaa uu u joogay Kampala salaan uu soo salaamayey ehelo iyo xaasas ka dagan Kampala sida AllPuntland ay telefoonka Kampala ugu sheegeen dad ay xigto yihiin oo jooga Kampala.
Wixi ku so kordha kala soco AllPuntland xafiiskeeda Muqdisho




