{Kismaayo}8-10-09Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in mar kale dagaallo ku dhex mareen dhinacyadii ku dagaalamayey maalmihii tagay halkaas.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sooyo oo u dhow Janaay Cabdala ee galbeeka magaalada Kismaayo, waxaana dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan aan la ogeyn qasaaraha uu geystay.
Labada dhinac ayaa maalmihii tagay waxaa dhex marayay dagaallo xoogan oo bilowday 1-dii bishan aynu ku jirno, iyadoo tan iyo wixii markaasi ka dambeeyay ay dagaalladu u wareegeen dhinaca galbeed ee magaalada Kismaayo.
Dagaalka ka dhacay degaanka Sooyo ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada ururka Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen ciidamada Walaayada Islaamiga Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka, kuwaasoo la sheegay inay ka soo ka dhaqaaqeen deegaanka Janaay Cabdalla.
Widhwidh Online News Des..Media Center
Wixii warar ah ee soo kurdha kala soco halkan... kolba eeg Radio-Widhwidh.




