Somalida ku nool Uganda
Uganda ayaa noqtay meel aad usoo jiidata qurba-joogta Soomaalida ee kasoo kala jeeda Australia, Yurub iyo Waqooyiga
Maalgalinta ay dadka Somalidu ka sameeyaan Uganda ayaa ka dhigtay iney Soomaalidu noqoto qowmiyadda labaad ee canshuurta ugu badan soo gelisa dalkaasi sida uu dhowaan koox ganacsato ah u sheegay duqa Magaalada Kampala.
Cabdiraxmaan Foodcade oo ka tegay dalka Australia, isla markaana madax ka ah xawaalada Bakaal ayaa u sheegay VOA-da in sababaha ay u doorteen dalkaasi ay ka mid yihiin Amniga wanaagsan ee ka jira, marka loo fiiriyo dalalka kale ee Afrika iyo dhaqaalaha sare usii kacaya ee Uganda oo la filayo iney dhowaan suuqyada caalamka u iib-geyso shidaal dalkeeda laga soo saaray.
Marka laga soo tago Soomaalida Qurba-joogta waxaa sidoo kale dhowaan dalkaasi gaarayay ganacsato Soomaaliyeed oo qoysaskoodii kala soo cararay dagaalada Soomaaliya, kuwaasi oo qudhooda halkaasi ka bilaabay howlo ganacsi.
Qurba-joogta Soomaalida ayaa dalkaasi ka hirgeliyay Xarumo shidaal, Hoteelo, Xawaaladaha iyo sarifka lacagta iyo weliba Super Market-yo shaqeeya habeen iyo Maalin, waxayna dhaqdhaqaaqyadani muujinayaan in Soomaalida Qurba-joogta ahi ay markan hantidooda iyo caqligoodaba kula sii dhowaanayaan dalkoodii Soomaaliya, iyagoo ka rajo qaba iney arkaan Soomaaliya oo mar kale nabaddeedii dib u soo laabatay.




