The fake Religious Groups Are Fighting It Out in North Xamar
War breaks out between Xisbul Islam and Al Shabab militias in northern Mogadishu!
War deg deg ah: dagaal culus oo Muqdisho ku dhexmaraya Alshabaab iyo Xisbul islaam
Wed, 10/14/2009 - 16:21
Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Alshabaab iyo Xisbul islaam ayaa daqiiqado yar ka hor ka bilowday dhanka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo Axmad Laashin ayaa weerar ku qaaday saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo mudooyinka dambe gacanta Alshabaabka ku jiray.
Xoogaga Alshabaab ee gacanta ku hayay saldhiga degmada Yaaqshiid ayaa waxaa hogaaminayo Kabu ku Tukade oo hogaanka ciidamada ee Alshabaabka ka tirsan.
Dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ayaa la xaqiijiyay in qasaaro lixaad leh uu soo gaaray waloow ay adag tahay in la helo baaxada qasaarahaas uu la eg yahay dagaalka oo weli socda dartiis.
Dagaalkan ayaa imaanaya xili colaad baahday oo faraha ka baxday ay u dhexeeyso Xisbul islaam iyo Alshabaab, waxaana xusid mudan in saldhiga degmada Yaaqshiid ay Alshabaabku horay uga fara maroojiyeen Xisbul islaam.



