Aaska Suldaanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka socotay Xukuumada Somaliland oo uu Hogaaminayay Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxda Axsaabta Mucaaridka.......

Hargeysa( GNS) Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye oo ka mid ahaa Salaadiinta waawayn ee beelaha Somaliland oo shalay galab ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ahaana Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal ayaa Saaka lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire ee Caasimada Hargeysa.

Waxana Masuuliyiintii Aaska ka soo qayb gashay qaar ka mid ahi ay halkaasi Ilaahay uga baryeen in uu Jannadii Ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Awlaadii iyo guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland uu Sammir iyo Iimaan ka siiyo. Waxaanay halkaasi ka sheegeen Shaqsiyada Marxuumka oo ay ku sheegeen in uu ahaa Nin aad u wanaagsan oo Nabad Jecel oo ah Miisaan Ummada ka baxay. Waxaanay Eebe ka baryeen in uu halkiisii Cawwil khayr qaba ku soo bedelo.
Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf ( Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qayb gashay Aaska Marxuumka ayaa markii la aasay ka dib Bahda Warbaahinta uga waramay Taariikhda Marxuumka iyo guud ahaanba inta uu ka Xasuusto Shaqsiyadii Suldaanka. Hasa ahaatee ugu horayn waa kan isaga oo Tacsi u diraya qoyskii Marxuumka “ Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Garaad Cabdale Boon, Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Somaliland-na Ilaahay ha ka cawado, gaar ahaan Raaskiisii ilaahay ha ka cawado. Nabadgelyada ayuu jeclaa intii uu shaqada qabtay. Waxa uu ka shaqeeyay Nabadgelyada iyo isku keenida iyo Dadka Is Af garadkiisa. Waxa ka horeeyay Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye oo aanu Saaxiib ahayn, Wiil iyo Walaal ahayn. Waxa ka sii horeeyey Suldaan Diiriye Garaad oo ay Aabahay Saaxiib ahaayeen. Aniga iyo Walaalkayga Caaqil nimada iiga horeeyayna aanu u shaqaynaynay Raas can ah oo Nabadgelyo jecel oo beeray ayuu ahaa. Ilaa Jigjiga ilaa Itoobiya Dadkiisa Hogaamiya. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.”





Aaska Suldaanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka socotay Xukuumada Somaliland oo uu Hogaaminayay Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Mudanayaal ka socday Golaha Baarlamaanka Somaliland oo uu Horkacayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Salaadiin aad u tiro badan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee kumiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Ku xigeenka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Culimo u diin uu Hogaaminayay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray( Aaden Siiro)
Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo Dadwayne aad u tiro badan.




