Munaasabad manata magaalada Kismaayo lagu qabtay oo lagu Maamuusayay Ardayda Kaalimo wanaagsan ka gashay Tartan Aqooneed ayaa lagu gudoonsiiyay hub iyo alaabo kale oo qaali ah.
Maamulka Islaamiga Gobalada Jubbooyinka ayaa Gabal dhicii Caawa Munaasabad heers sare ah ku qabtay Kismaayo waxaana Munaasabadaasi goob joog ka ahaa Mas'uuliyiinta ugu sarayso Islaamiyiinta Jubbooyinka.
Dadka kasoo qayb galay Munaasabada ayaa aad ula yaabay markii Ardayda Abaal Marin ahaan loosiiyay Qoryo Ak47.Bambaanooyin iyo hub farabadan taas oo noqotay arrin layaab leh.
Munaasabadan waxaa ka hadlay Mas'uuliyiin katirsan maamulka Islaamiga Gobalada Jubbooyinka waxayna sheegeen in ay sababta ay Hubka ugu Abaal mariyeen ay tahay in ay wax iska celi karaan.
Ardayda Hubka,Bambanooyinka iyo Computre-da lagudoonsiiyay yaa ukala tartamayay xaafadaha kala ah Guul wade, farjanno iyo Faanoole.
Si kastaba ha ahaatee waxaa goobtii ka dhaqaajiyay Ardaydii oo wata Hub iyo Lacago farabaan, arrintan ayaa Fajaciso ku noqotay Dad aad ufarabadan.
Xafiiska Wararka Markacadey.net magaalada Muqdisho.



