Waxaa arrin la yaab leh ah inay saxafadda soomaalidu qaarkeed ay waxay doonto qorto iyadoo aan aqoon iyo firxad ku filan u lahayn muqaalka guud ee saxafadda,balse dhegta ka maqley inay saxafadi jirto. Wargeyska boohinta iyo Calaacalka ee loo yaqaano Puntlandpost [ Neef Gowracani Geed Kama Waabto].
Anigoo tixraacaya qoraal uu wargeyskaasi ku Aflagaadeynayey Marxuum maanta ku geeriyoodey Magaalada Kismaayo oo lagu magacaabi Jirey Al-Xaaji Da'uud Dirir ahaana nin si weyn looga yaqaano guud ahaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka kuna laha sharaf iyo Cisi guud ahaan mandaqadaasi,ayuu ku sheegey siduu doono ugu caayey marxuumkaasi sacaado ka hor ku nafweyey magaalada kismayo.
Puntlandpost oo lagu yaqaano Oohinta iyo Calaacalka ayaa ah mid ay inta badan adeegsadaan kooxo qabiilki laha ka galay kuwaasi oo aan aqoon u lahay wax saxafaddu tahay,waxaadna ka dheehan kartaa qoraalada [ cantara-baqashka ah] ee ay ku hadaqaan inta badan,kuwaasi oo ah qabiil nebceysi aan loo meel dayin.
Waxaa cadaan amase lagu yaqanaa inaysan Qabaa'ilka uu ka so Jeeda Daa'uud Dirir inaysan ahayn dad Jileec u dhashay,markastana soo cawda,Laakinse waa la wada yaqaana waxay yihiin '' Waana dad samir iyo dulqaadleh'' Balse waa su,aale Puntlandpost '' Hoyga Baroorta iyo Borobagaanadow " shay caan ah baad tahay oo lagu yaqaano jileeca iyo sal fudeydka''.
Waa wax laga wanaagsan yahay inaad soo qaado Ruux la xisaabiyey kaasi oo meel ay ku qoran tahay wanaagiisa iyo xumaantiisu," Bal qoraagow adigaa nool oo maanta ifka jooga Maxaad kaga baxsan Marxuum Akhiira u jihaystey caydiisa,miyaadan ogeyn meesha lagu geyn doono ''.
Aan Qoraa mid ku xasuusiyo Beesha sade Waligood laguma maqal iyagoo qof diintey wax ka sheegaya,balse waa la arkaa qof nool iyagoo wax ka sheegaya,balanta ay galaan ay tahay wax muuqda taasi oo ay sidey tahay u fuliyaan. Laakinse Idinka qabiil ahaan wax kale iska daayoo waxaad wax ka sheegtaan Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo xilli hore geeriyoodey.
Waxaan dhihi karaa Puntlandpost waa [ Neef Gowracani Geed Kama Waabto] Waayo waxaa u sii muuqda casharadii ay beesha sade U dhigi jireen,taasi maahan wax lagu yaabo,hadii ninku ka soo cawdo iyo waliba calaacal iyo oohin iskun darro.
Runtii Anigu waxaan u aqaana website-kaas inuu yahay mid ay dumar adeegsadaan,waayo waxaad ka dheehan kartaa kuma jiraan Ereyo rag qoro,had iyo goorna waxaa lagu caaya amase lagu aflagaadeyaa Dad berihi hore dhintey iyo kuwa aan waxba kala ogeyn,waxaana uu muujinayaa necebka qabiillada soomaaliyeed ay beesha qortaa website-kaas u qabaan.
Neceybkaasi maahan mid wax weyn u taraya balse waxay ku noqoneysaan sheekadan hoos ku qoran: Xilli hore baa reer soo guurey,kuwaasi oo reer guraa ah,Waxaana reerka wada ogeydii reerka iyo islaantiisi,islaanta iyo odeygaas waxay la hayeen Joog uu subag ugu jiro kaasi oo ay si gaar ah u isticmalaan iyagu, Reerkii markii degey meel 30km ah,ayey islaantii Odeygii ku tiri " Xaaji Joogi waan soo hilmaamey"' Isna isma dhibine waxaa uu ugu jawaabey '' Waa sidaasi oo kiina qaleeylka kugu sugayo''.
Waxaa hadalkayga ku soo gebagebaynayaa Puntlandpost waa sidaasi oo xilliyo kale ay kugu sugeyso wado dheer oo aad in badan xasuusnaataa iyo inaad waligaa xabaalaha marti u ahaataa,waayo waxaad tahay meesha kaliya ee dadka dhinta lagu xanto amase lagu caayo.
" Puntlandpost Hoyga Baroorta iyo Calaacalka, Ha martiyin Xabaalaha Meytidana Ha Kaa Kicin''.
Puntlandpost's calaacal here:
http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=9119
Alla Mahadleh
Shaafici Maxamed Samater



