Maamulka Puntland Oo Itoobiya U Dhiibay Nin Ka Soo Jeeda Deegaanka Ogadeeniya.
Boosaaso(Jidbaale.com):-Shir ka dhacay 24.10.2009 madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa waxa gacanta loogu galiyey dawlada Itoobiya hal nin oo ka soo jeeda Soomaalida degta dhulka Ogaadeeniya, iyada oo afar kale-na loo diiday ka dib markii ay Codsadeen saraakiil Diyaarad gaar ah wataday oo ka soo degtay magaalada Boosaaso in gacanta loo soo galiyo shanta nin oo dhawaan magaalada Boosaaso lagu qabtay.
Shirkan ka dhacay madaxtooyada Boosaaso ayaa waxa ka soo qayb galay sida aanu ka helay dad ku sugnaa madaxtooyada Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, Madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire, Wasiirka Amniga C/laahi Siciid Samatar iyo saraakiil kale oo u badan dhinaca Itoobiyana waxaa ka socday saraakiil diyaarad gaar ah kaga so degay garoonka Boosaaso.
Sida aanu ka helay ilo wareedyo waxa ay sheegeen in markii ay codsadeen saraakiisha Itoobiyaanka ahi in shanta ninba loo soo gacan galiyo ay shir gaar ah galeen madaxda Puntland waxaana halkaas ka dhacay muran ka dib markii ay ogolaadeen C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire in shanta ninba Gacanta loo galiyo Itoobiyaanka, waxaase Arrintaas Gaashaanka u daruuray C/laahi Siciid Samatar oo sheegay haddii la dhiibo raggan in shacabku kici doono, dood badan ka dib waxaa laysugu soo noqday shir kale isla maalintaas galinkii danbe, waxaana Itoobiyaanka loo sheegay in aan cid gacan hadda loo galin doonin.
Saraakiisha Itoobiya ayaa waxa ay ku adkaysteen in aanay sinaba uga tagi Karin nin ka mid ah shanta nin ee Puntland laga Codsaday, taas oo uu soo jeediyeen C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire in loo dhiibo ninkaas Itoobiyaanka, waxayna isla maalintii galinkii danbe kala duuleen magaalada Boosaaso iyaga oo diyaaradii gaarka ahayd ku qaatay.
Hore ayey arrintani uga dhacday magaalada Gaalkacayo maalmo ka hor markii saraakiil ku sugnaa Puntland oo Itoobiyaan ahi magaalada Gaalkacayo ka kaxaysteen dad ka soo jeeda deegaanka Ogaadeeniya,
Muse Cabdi Cali
Boosaaso Puntland
Jidbaale.com
jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Last Updated on Tuesday, 27 October 2009 13:07
http://jidbaale.com/index.php?option=co ... soomaaliya



